Ardayda dugsiyada sare ee Kismaayo oo helay sheybaaro ay wax ku bartaan

0
277

Cabdirahmaan Maxamed Awaare, waa 18-sano-jir dhigta fasalka saddexaad ee dugsigga sare Ganaane ee magaalada Kismaayo, wuxuu ku fooraraa isku darista malakuyuullo, horay qoraal keliya ayaa loogu sheegi jiray, haddase wuxuu u samaynayaa si uu isagu gacantiisa isugu qasayo daawooyin kala duwan oo macmal ahaan wax loogu baranayo.

“Markii hore maanan heli karin casharradan baayolajiga oo kale, wax mala awaal ah ayay nagu ahaayeen oo bani’aadamka in wax loo sheego waxaa ka fudud in la tuso oo la taabsiiyo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Waxaana fursaddaan u fufudeeyey markii labo toddobaad kahor iskuulkiisa iyo saddex iskuul oo kale oo sare oo ah kuwa ugu ardyada badan magaalada Kismaayo la siiyey qalab 174 shay isugu jira iyo daawooyinka ardaydu ay ku samayn lahaayeen tijaabooyinka maaddooyinka sayniska, tanoo ah markii ugu horraysay ee ay helaan fursaddan.

Waxaana shaybaarkaan ka hirgelisay iskuullada wasaaradda waxbarashada Jubbaland oo gacan ka helaysa hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR, waxaana iskuullada la geeyay 10-kii bishaan Febraayo.

Cabdiraxmaan, saddex sano oo uu dhiganayey dugsiga sare waa markii ugu horreysay ee uu sheybaar u isticmaalo wax barashadiisa.

“Casharro badan oo aan soo barannay oo nala oron jiray xubintaas bani`aadamka halkaas ayay ku jirtaa marka laga sheekaynayo baayolejiga sheeko kaliya ayay inoo ahayd, laakiin hadda haddii aanu u baahanno xubin xubin ayaan u arki karnaa jirka, waayo qalabkii ayaa yaalla, sheybaarka ayaa tagi kartaa wax walba oo uu macallinkaaga kaaga sheekaynayay ayaa xubin xubin u arki kartaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan, waxaa iskuulkaan la dhigta walaalkiis ka wayn, waxaana labadoodaba bishii laga qaadaa lacag dhan 34 doollar.

Waxaa xilligii hore ay ku ahayd ardayda wax loo sheego oo macalinku uu sabuuradda ugu sharxi jiray ardyda, maantase waxay iyagoo koox koox ah samaynayaan tijaabooyin toos ah oo ay adeegsanayaan qalab iyo daawooyin.

“Ardaydii hore ee skuullada ka baxay ma aysan helin fursad ay iskuulka kaga bartaan qalabkan sheybaarka, marka annaga waxaan hadda fursad u heli karnaa inaan barno jiilka soo kacaya oo annaga aan koox koox isku barno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Shaybaarrada la geeyay afarta iskuul ayaana sida wasaaradda waxbarashadu sheegtay waxaa ku baxay 84 kun oo doollar, iyadoo ay ka faa’iidaysanayaan arday tiradoodu gaarayso 1,290, iyadoo 250 ka mid ahi ay yihiin ardaydii ka soo noqotay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Iskuullada laga hirgeliyey hannaanka shaybaarka ayaa kala ah Ganaane, Rugta, Khalid Binu Waliid iyo iskuulka Jubba. Waana kuwa ardayda ugu badan ee dugsiyada sare ka dhigtaan Kismaayo.

Qalabka shaybaarka ayaana ka kooban microscopes iyo qaybaha qalfoofyada jirka bani’aadamka, daawooyin iyo qalabyada kale ee fududeeyo in lagu ogaado maaddooyinka, waxaana iskuul kasta muddo bil ah loo tababaray adeegsiga qalabkaan iyo siday ardayga ugu tababari lahaayeen.

Muhiimadda ugu wayn ee laga leeyahay qalabkaan ayaa ah sidii loo kordhin lahaa tayada waxbarashadda ardaydda dugsiyada sare ee magaalada Kismaayo

Siciid Cabdicasiis Xirsi waa macallin dhiga maaddada fiisigiska iyo kimisteriga ayaa sheegay in hannaan shaybaar oo ay u helaan ardayda ay u tahay fursad wax baristooda caawinaysa, iyadoo ardaydu ay marka ay u siiya agab ay tababarro ku sameeyaan oo sayniska ku aaddan aysan magaalada ka soo helay meel ay ka iibsadaan ama meel kale oo ay ka helaan agabka ay u bahan yihiin.

“Ka macallin ahaan markii hore way nagu adkaan jirtay inaan ardayda wax fahansiinno sida kimistiriga iyo fiisigiska, iyada oo ay sabab u ahaan jirtay wixii oo aanan la arkayn, ardayga maanta oo dhan ayaad wax u sharraxaysaa wixiina ma arkin, ma taabanin way ku adkaanaysaa ardayga fahamkiisa ama inuu xasuusto imtixaan markii laga qaadayo oo maskaxdana mahayn karto wax aysan arkin, hadda waxay noqotay ardayda inay wixii u sahlanaato oo ay arkaan ,” ayuu yiri Siciid.

Falis Cali Maxamed waxay ka mid tahay ardaydda fasalka labaad ee dugsigga sare ee iskuulka Rugta ee magaalada Kismaayo,waxay ka mid tahay ardaydii ka soo laabatay xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ee dalka Kenya, sandkii 2017.

Iskuulka Rugta ayay isla sanadkii 2017-kii ka billowday fasalka siddeedaad, waxay Falis Radio Ergo u sheegtay in qalabkaan shaybaarka markii la keenay uu fududeeyey fahamka maaddooyinka sayniska.

“Waxba maanan baran jirin markii hore casharrada waa naloo xarriiqi jiray waana nagala tagi jiray, laakiin hadda wixii nala bari jiray ayaan toos u aragnaa,” ayay tiri Falis.

Falis qoyaskeeda oo ka kooban 11 qof, waxay ka faa’iidaysteen barnaamijkii dib u celinta, iyagoo ku noolaa xerada qaxootiga ee IFO, waxay fadhisaa fasal 38 arday dhigato oo 9 ka mid ahi yihiin gabdho, ayna koox koox macallimiintu u qaybiyeen si ay koox kasta markeeda u adeegsato, waxayna sheegtay inay hadda fursaddii shaybaarada ee dugsiyada xeryaha Dhadhaab oo kale hadda ay ku haysato Kismaayo.

“Koox koox ayaan u sameysannaa oo waanu ka wada tashannaa, waxaa dhici karta wax aadan adiga aqoon inuu qofka kale yaqaanno, waxaa fiican dadka inay iskaashadan, annaga haddii aan gabdho nahay waxaan jecel nahay marwalba inaan is weydaarsanno xogta,” ayay tiri Falis.

Macallimiinta iskuulladan shaybaarrada la geeyey ayaa sheegay inay wadaan shuruucda shaybaarradaan, si looga hortago khatarro ku dhaca oo waxyeelleeya shaqayntooda.

Waa tallaabo horay loo qaaday oo ardayda dugsiyada sare ee magaalada Kismaayo wax weyn u taraysa, laakiin baahida ardaydu u qabaan shaybaarka ma ahan mid hal shaybaar dabooli karo oo ay wada adeegsanayaan.

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here