(ERGO) – Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Yemen sannadkii 2015-kii ayaa sababay inaay markale dib ugasoo qaxaan qiyaastii 250,000 oo Soomaali ah kuwaas oo horay ka soo cararey dagaalkii sokeeyo 1990-kii waxaana ay Yemen ka dhigteen gurigoodii labaad.
Safaaradda Soomaaliya ee hadda ku taala Magaalada Cadan caasimadda kumeel gaarka ah Ee Yemen ayaa la shaqeyneysa Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) si ay uga jawaabto dhibaatada haysata qaxootiga Soomaaliyeed ee hadda ku xayiran waddanka dagaalada kajiraan ee yemen.
Wariyaha Ergo ee Yaman, Maxamed Muxumed Muuse Koronto, ayaa waraystay Cabdulahi Xaashi Shuuriye, safiirka Soomaaliya u jooga Yemen tan iyo 2016 kii waraysigaas oo ku saabsan xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman kunool.
Wakhtiga wareysiga uu lalayeelanayay safiirku wuxuu booqanayay xerada qaxootiga Al-Kharaz, oo hoy u ah kumanaan qaxooti Soomaali ah.
Wariyaha : Maxay ahayd ujeeddada socdaalkaaga ee xeradan?
Danjiraha: Ujeedadaydu waxay ahayd in aan sameeyo qiimeyn iyo in aan la kulmo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool xeradan AlKharaz, si aan u fahma xaaladdooda. Waxaan sidoo kale doonayaa in aan helo macluumaadka ku saabsan xaaladda nololeed ee dadka Soomaaliyeed ee halkaan kunool.
Wariyaha: Waa imisaa tirada guud ee qaxootiga Soomaaliyeed ee hadda ku nool wadankan?
Danjiraha: Waxaan qiyaasaynaa inta u dhaxaysa 120,000 iyo 150,000 oo qaxooti ah. Dadka intooda badani waxay ku nool yihiin woqooyiga dalka, inta kalena waxay ku nool yihiin magaalooyin kale.
Wariyaha: Waa Sidee xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee aad halkan kula kulantay?
Danjiraha: Xaaladda Yaman guud ahaan ma fiicna maadaama ay jiraan dagaalo weli ka socda dalkaan , Waxaad qiyaasi kartaa waxa ay tahay ajnabigu inuu noqon karo marka uu ku sugan yahay waddan uu dagaal kajiro, Si kastaba ha noqotee, xaaladda dadkan ma ahan mid xun sida aan u maleeyay may noqon inkasta oo ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto.
Wariyaha : Sidee ayay qaxootiga Soomaaliyeed u saameeyeen dagaalada?
Danjiraha: Dagaalku wali waa socdaa , waxaana ku dhaawacmeen qaxooti Soomaaliyeed Tan iyo bilowgii dagaalka, tirada dhimashada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed waa 400 oo qof kuwa kalena way ku dhaawacmeen.
Wariyaha: Makala hadashay xukuumadda (Yamaan) iyo kooxda kale ee ka soo horjeeda Arrinta ku saabsan Soomaalida ku dhimatay dagaalka?
Danjiraha: Waxaanu ururinay xogo badan, Dowladda Yemen Arrimahaan waan kala hadalnay Waxaan kasugeynaa jawaab.
Wariyaha: Adinku ka Safaarad ahaan maxaad uqabateen Qaxootiga Soomaaliyeed?
Danjiraha: Waxaan bixinnay taageerooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin rakibidda nalalka ku shaqeeyo tamarta Cadceeda, Waxaa jiray nabadgelyo xumo ka jirta Basaatiin oo Magaalada cadan ka tirsan, halkaas oo Soomaali badani ku nool yihiin, Kooxo hubaysan ayaa weerari jiray aagga Basaatiin waxayna waxyeeleeyaan qaxootiga Si arrintan wax looga qabto, waxaan caawimaad kahelnay NGO-ga, ADRA, kaas oo naga caawiyey inaan helno 200 oo solar-ka tamarta cadceeda ku shaqeeya si aaggan unoqdo iftiin, tani waxay door weyn ka qaadatay sugitaanka amaanka ee aagga qaxootiga kunool yihiin.
Waxaan sidoo kale la kulannay UNHCR waxan weydiisanay in ay ceelal uqodaan dadkaas. UNHCR waxay ballan-qaadday in ay qodayso saddex ceel.
Wariyaha: Maxaad nooga sheegi kartaa habka dib u celinta iyo sidaay ushaqeyneysa?
Danjiraha: Hannaanka dib ucelinta qaxootiga ma joogsan markii hore, dadku waxaa la diiwaan galin jiray iyadoo aan lasiineyn wax lacag ah sidaas ayaana lagu qaadi jiray , laakiin ka dib markii aan lakulmay UN-ku waxaan isku raacnan in aay bixiyaan $250 oo uu ku soo laabta qofka iyo $ 200 oo dheeraad ah oo lasiinayo markii ay yimaadaan Soomaaliya.
Wariyaha: Imisa qof ayaa dib loogu celiyay Soomaaliya ilaa iyo haatan?
Danjiraha: Waxaan dib ugu soo celinay Soomaaliya 3,500 qof sanadkii hore iyo ilaa hada walina waa wadnaa howsha dib u celinta qaxootiga.