Boqolaal dhallinyarro ah oo shaqo la’aan ku heysatay magaalada Kismaayo ayaa la siiyay shan boqol oo kun oo doolar si ay ugu maalgashadaan ganacsiyo u gaar ah. Dhallinyaradan oo gaareysa lix boqol oo qof ayaa lacagtaas ku maalgashaday gawaarida gurta dhagxaanta dhismaha, warshad shaambada dharka lagu meyro soo-saarta oo Kismaayo laga hirgeliyay, iyo ganacsiyo kale oo dhowr ah.
Halkan ka dhageyso faahfaahinta warbixintan.