(ERGO) – Dhallinyaro beeraley ah oo ku nool degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dib u billaabay beerashada bariis-caddaha oo dabar go’ay labo sano ka hor. Abaartii dalka ka dhacday oo keentay in webiga Shabeelle uu biyo yareeyay dhowr goorna uu qallalay ayaa keentay in meesha uu ka baxo beerashadii bariiskaas.
Laakiin gu’gii sanadki 2018 oo ahaa bilihii Abriil, May iyo Juun ayuu biyo fiican keenay webiga, taas oo rajo ku abuurtay dhallinyarada oo dib u billaabay beeristii bariis-caddaha.
Labo boqol oo dhallinyaro ah ayaa hadda ka shaqeynaya tacabka bariiskaas, iyagoo ku guuleystay inay dib u soo celiyaan bariis-caddahaas oo dalka gudihiisa laga isticmaalo.
Waxay ku tacbeen wakhtigii gu’ga, waxayna abuurkiisa ka heleen nin ka mid ah dadkii tacban jiray. Xilligii dayrtana iyagoo ka faa’iideysanaya biyaha webiga ayay bariiskii ay gu’gi goosteen waxay ku tacbeen dhul 25 hektar ah, kaas oo ay hadda goosteen.
Hadda waxa u soo go’ay 3,500 oo loor oo bariis ah. Keydka bariiska ay hadda haystaan wuxuu ku filan yahay in lagu beero dhul labo kun oo hektar ah.
Maxamed Cali Afrax, oo ka mid ah dhallinyaradaas isu xilqaantay soo nooleynta tacbashadii bariis-caddaha ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dedaal ay ku bixiyeen in bariiskaan ay dib u tacbaan, maaddaama aan abuurkiisa dibadda laga keenin oo uu ku xiran yahay hadba midka la beero ee la goosto in abuur laga reebto.
“Beeraleydii markay damceen inay bariiskaan tacbadaan, wxaaa ku adkaatay abuurki, waayo dibadda lagama keeno sida dalagyada kale oo suuqa kama heleysid,” ayuu yiri Maxamed Cali.
Bariiska ay hadda haystaan waxay ku keydiyeen bakhaarrada Jowhar, si suuqa loogu iibiyo keyd abuur ahna ay uga reebtaan.
Muddadii labada sano ahayd ee aan bariiska la beeran, waxaa laga dareemay suuqa, oo ganacsatadii iibin jirtay waxay waayeen bariiski, iyagoo baddelkiisa ka ganacsan jiray dalagyo kale.
Ganacsatadaas waxaa ka mid ah Cali Yuusuf Cali, oo 16 sano ka ganacsanaayay bariis-caddaha. Wuxuu ku nool yahay magaalada Jowhar, labadii sano ee la soo dhaafay wuxuu iibinayay sisin iyo galley. Laakiin hadda wuxuu dib u billaabay ka ganacsigii bariis-caddaha.
“Dhallinyarada waxay gu’gi ii keeneen 300 oo loor, keyd ayaan hadda u hayaa, qaarka beeraley abuur ahaan u keydsanaya ayaan ka iibiyay,” ayuu yiri Cali Yuusuf.
Waxaa iyadana jiro rag caan ku ahaa beerashada bariiskaan oo tag u waayay inay beertaan xilligii uu abuurku gabaabsiga ahaa. Raggaas waxaa ka mid ah Cabdi Aadan oo 63 sani jir ah. Waxaa hadda u tacban galley, digir iyo sisin uu abuurtay dayrti, baddelki uu tacban lahaa bariiska. Muddadi suuqa laga la’aa bariis-caddaha wuxuu tacbanaayay dalagyadaan, laakiin wuxuu hadda rajeynayaa inuu tacabka bariiskaan dib u billaabo gu’ga soo socdo.
Bariis-caddaha ayaa dalka Soomaaliya ka soo galay waddanka Shiinaha sanadkii 1986-kii, ilaa wakhtigaasna ma uusan kala go’in tacabkiisa, laakiin abaartii u dambeysay ayaa saameyn weyn ku yeelatay ilaa uu ku sugtay in dalka oo dhan laga waayo.