Dhadhaab: In ka badan labo boqol oo macallin ayaa shaqada laga rusqeeyay

0
85
Keydka Ergo

(ERGO) – Labo boqol kow iyo soddon macallin ayay hay’adda Lutheran World Federation (LWF) ka joojisay shaqada macallinimo bishaan Jannaayo. Macallimiintan ayaa wax ka dhigayay labo iyo labaatan dugsi oo ku yaalla xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Cabdikariin Macallin Axmed, wuxuu ka mid yahay macallimiinta shaqada laga joojiyay. Toban sano ayuu macallin ka ahaa dugsiga hoose/dhexe ee Cabdicasiis oo ku yaalla xerada qaxootiga Ifo. Cabdikariin wax shaqo ah ma qabto tan iyo billowgii bishaan.

Weriyaha Raadiyo Ergo ee Dhadhaab Axmed Nuur Yogol, ayaa kula kulmay isagoo fadhiya maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla xerada, halkaas oo soo fariisto aroor walba, galabkina ka hoyaado. Bishii December ee sanadkii 2018 ayaa Cabdikariin lagu wargeliyay in shaqo dhimis macallimiinta ah la sameyno, isaguna uu ka mid yahay macallimiinta shaqada laga joojinayo.

Mukhtaar Cabdi Cismaan hay’adda LWF u qaabilsan waxbarashada xeryaha qaxootiga, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhaqaale la’aan hay’adda soo wajahday sanadkaan darteed shaqadii macallimiinta loo dhimay.

Waa 32 jir, nolosha qoyskiisa oo saddex qof ah ku dabberi jiray mushahar 8,000 oo shilin Kenya una dhiganta $80 oo uu ka qaadan jiray shaqada macallino. “Waxaa biil ii ah wax yar oo iiga soo haray mushaharkii aan qaatay bishii ugu dambeysay,” ayuu yiri Cabdikariin.

Wuxuu sidoo kale bil kasta iska bixin jiray $10 oo uu ku dhigan jiray machad uu ka baran jiray waxbarista dadka waaweyn, laakiin wuxuu u joojiyay shaqo la’aanta hadda haysata darteed

Cabdikariin wuxuu maalin kasta xiisad xisaabta ah ka bixin jiray afar qol oo ay wax ku baranayeen ardayda fasallada afaraad iyo shanaad.

“Waxaan hayay shaqo aad muhiim ugu ahayd nolosheyda, sidoo kale bulshada dhexdeeda tix gelin ayaan ku lahaa macallinimada ah. Waxaan isku hayaa inaan Soomaaliya dib ugu noqdo iyo in kale, welise go’aan maan gaarin,” ayuu yiri Cabdikariin.

Mukhtaar Cabdi ayaa xusay in dugsiyada hoose/dhexe eek u yaalla xeryaha qaxootiga ay hadda ardayda wax baraan 518 macallin oo keliya. Dugsiyadaas waxaa wax ka barta 52 kun oo arday.

Iskuullada ayaa laga dareemayaa cariiri badan, waxaana la isku daray arday isku fasallo ah oo qolal kala duwan wax ku baran jiray, si macallimiinta hadda ardayda wax barta ay fasallada isu deeqsiiyaan.

Maxamed Cumar Faarax waa maamulaha dugsiga Cabdicasiis, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in iskuulkiisa sanadkaan laga dhimay 14 macallin, ayna saameyn ku yeelatay arrintaas.

“Sanadkii hore fasalka toddobaad wuxuu ahaa afar qol, hadda labo qol ayaan isugu gaynay, waxay noqotay in fasalkiiba ay fadhiyaan 120 arday,” ayuu yiti maamulaha.

Dugsiga Cabdicasiis waxaa dhigta 2293 arday. Waa 18 fasal, waxaana wax bara 33 macallin.

Ciriiriga ka jira iskuullada wuxuu sidoo kale saameynayaa waxbarashada ardayda sanadkaan isu diyaarinaya inay galaan imtixaanka shahaadiga dhusiga dhexe ee Kenya oo la yitaahdo KCPE, kaas oo la galo dabayaaqada sanadka.

Aamiina Cabdi Maxamed oo 18 sano jir ah, waa fasalka siddeedaad, waxaa sanadkan dhammaadkiisa sugaya inay u fariisato imtixaankaas, laakiin waxaa caqabad ay ka haysataa cariiriga fasallada ka jiro. Waxay wax ka barataa dugsiga hoose/dhexe ee Horyaal ee xerada IFO oo ka mid ah dugsiyada macallimiinta laga dhimay.

“Fasalka aan ku jiro 128 arday ayaa fadhida, buuqa iyo qaylada ka jirto darteed waxba ma maqlaysid, maalintii inaan lix xiisadood qaadano ayaa qorshaha ahaa, laakiin hadda labo xiisadood keliyaan qaataa, anoon labadaas fahmin ayaan gurigaygii ku noqdaa,” ayay tiri Aamina.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay maaddooyinka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Xisaabta ay yihiin maaddooyin aan hadda laga dhigin fasalkeeda, macallin la’aan darteed.

Aamina rajada qaxootiga ku hayso waxay tahay waxbarashadaas oo keliya, laakiin hadda waxaaba ku soo kordhay walaaca ay ka qabto sida ay ugu diyaar garoobi doonto imtixaanka shahaadiga ee KCPE.

Mukhtaar Cabdi wuxuu tilmaamay inay og yihiin culeyska ka jiro dugsiyada macallimiinta laga dhimay, ayna maamuleyaasha dugsiyada kala hadleen habkii loo buuxin lahaa booska macallimiinta la rusqeeyay.

Macallimiinta shaqada laga saaray qaarkood ayaa durbaba isku dayay inay shaqo abuur sameystaan, si ay nolosha qoysaskooda u dabbartaan. Waxaana ka mid ah Aadan Wardheere Cali oo tan iyo horraantii bishaan ku shaqeysanaya mooto.

Aadan ma lahayn xirfad lagu wado mootada, laakiin wuxuu isku dayay inuu barto kuna shaqeysto markii uu waayay shaqadiisii macallinimo oo 8 sano uu ku soo shaqeysanayay.

Maddaada Ingiriiska ayuu ka dhigi jiray dugsiga hoose/dhexe ee Horyaal, laakiin hadda wuxuu mootada oo kiro ku ah kaga dhex shaqeystaa xeryaha Ifo, Xagardheere, Dhagaxley iyo Dhadhaab. Wuxuuna halki tariib ku baxaa lacag dhan 150 shilin Kenya ah una dhiganta $1.05.

Mootada waxaa looga kireeyay 500 oo shilin Kenya una dhiganta $5, marka uu kirada iska bixiyo waxaa u soo hara ugu badnaan $2.

“Waa shaqo igu cusub, markaan shaqo la’aan noqday ayaan isku dayay wixii kale ee dakhli iga soo geli karo, shaqadaan ayayna noqotay,” ayuu yiri.

Aadan wuxuu qoyskiisa xerada Ifo soo galay sanadkii 1994-kii, waxayna wakhtigaas ka soo qaxeen magaalada Kismaayo. Isla xerada Ifo ayuu ku dhammeeyay waxbarashada dugsiga sare kaddibna uu macallin ka noqday.

Hadda wuxuu sheegay in shaqada mootada ay kula soo biireen dhowr macallin oo saaxiibbadiisii shaqada laga rusqeeyay ah, uuna jeclaan lahaa in xifraddiisii uu dib ugu laabto haddii uu fursad kale helo.

Mukhtaar Cabid, ayaa xusay in la raadinayo dhaqaale si macallimiinta la diray shaqada loogu soo celiyo maaddaama aan laga maarmi karin wakhtigaan.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here