Waraabe dad iyo xoolo ku cunay tuulooyin ka tirsan Gaarisa

0
221

Waraabe raxan raxan u socda ayaa dhibaato ku haya dadka ku nool tuulooyin ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya. Dadka deegaanka ayaa sheegay in waraabuhu uu cunayo dadka iyo xoolaha.

Waxaa la sheegay in abaarta ay si ba’an u saameysay tuulooyinkaas, uuna waraabuhu oon iyo gaajo darteed billaabay weerarrada uu dadka iyo xoolahaba ku qaadayo xilli kasta oo habeenki ama maalinki ah.

Warbixintaan oo uu soo diyaariyay weriyaha Raadiyo Ergo ee Dhadhaab Axmed Nuur Yogol, waxaa soo jeedineysa Leyla Cabdi Maxamed.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here