Nafaqo-darro ayaa laga soo sheegayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Xayaad Cumar Axmed oo ah madaxa xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Laascaanood oo u warrantay Raadiyo Ergo ayaa sheegtay in bishiiba ilaa 200 oo carruur ay nafaqo-darro hayso loo keeno, kuwaas oo 10 ka tirsan ay hayso nafaqo-darro daran.
Nafaqo-darrada ayaa ka dhalatay cunto yaraan ay sababtay abaartii dalka ka dhacday.
Carruurta nafaqo-darrada loo keeno xarunta ayay Xayaad sheegtay in laga kala keeno xaafadaha Daami iyo Saamaley oo ay deggan yihiin dadkii abaaraha ku soo barakacay.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee Laascaanood Faarax Dubbad ayaa Xayaad ka wareystay nafaqo-darradaas.