Burco: Arday aan waxbarashada u sii wadan karin fasallo la’aan

0
271

Ilaa labaatan arday oo ka baxay fasalka shanaad ee dugsiga dhexe ee tuulada Ceel-la-helay ayaan waxbarashada sii wadan karin fasallo la’aan halkaas ka jirto darteed.

Ardayda ayaa fasalka koowaad ilaa kan shanaad wax ku baranayay geed ku yaalla tuulada hoostiisa, kaas oo aan hadda lahayn fursad iyaga ay wax ku sii bartaan, maaddaama ay ardaydu bateen, saacadaha wax la dhigo oo labada gelin ahna aysan fursad uga bannaaneyn.

Geedka hoostiisa wax lagu barto waa kan keliya ee ku yaalla tuulada. Warbixintaan waxaa inoo soo diyaariyay weriyaha Raadiyo Ergo ee magaalada Burco Sidiiq Yuusuf Khalaf.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here