Soomaaliya: Dadka ayaa dhibaato ku qaba isticmaalka doolarka iyo adeegga EVC

0

Meelo ka mid ah Soomaaliya lagama isticmaalo lacagta shilinka Soomaaliga, waxayna dadku isticmaalaan lacag doolar ah oo ay ku shubtaan taleefannada iyagoo isticmaalaya adeeg la yiraahdo EVC.

Machadka Daraasaadka Arrimaha Dadweynaha (Somali Public Agency) ayaa warbixin ka soo saaray dhibaatada ay dadka ku hayso isticmaalka lacagta doolarka, gaar ahaan tan lagu isticmaalo habka adeegga EVC-ga.

Muxyaddiin Axmed Rooble oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa arrinta dhibaatada lacagta doolarka ay dadka ku qabaan ka wareystay Mahad Waasuge oo ka tirsan machadka oo dhowaan tagay magaalada Beledweyne oo ka mid ah meelaha aan shilinka laga isticmaalin.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here