(ERGO) – Labo kun iyo siddeed boqol oo xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamarreeb iyo Guriceel ayaa la diiwaan geliyay labadii bilood ee u dambeeyay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha wasaarradda Maaliyadda ee maamulka Galmudug Cumar Xasan Xaaji.
Wuxuu tilmaamay in ujeeddadu tahay sidii loo heli lahaa hannaan wanaagsan oo qaadista canshuuraha ee dhanka maamulka ah.
“Labo iyo toban xubnood oo ka socda wasaaradda Maaliyadda ayaa magaalo kasta ka diwaan gelinaya, waxayna u diwaan gelinayaan hannaan ay macluumaadka ku kaydinayaan kaambiyuutar,” ayuu yiri Cumar.
Ganacsatada ayaa horay ugu eedeyn jiray maamulka in habka looga qaado canshuurta aysan ahayn mid cad.
Cali Mahad Cabdi Xasan ganacsade ku nool magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in habkaan diwaan gelinta loogu sheegay in uu yahay hannaan ay wasaaraddu kula soconayso canshuuraha ganacsatada laga qaado iyo halka ay ku baxayso.
Wuxuu sheegay in ganacsatadu ay rabaan inay ogaadaan in loo caddeeyo qofka ganacsadaha ah waxa canshuur ahaan looga qaadayo iyadoo loo eegayo awoodda ganacsigiisa.
“Anniga waxaa la ii sheegay inaan sanadkii bixiyo $150 oo canshuur sanadeed ah, aniga taas ma diiddani, laakiin maxaa lagu bixinayaa weeye su’ashayda,” ay uu yiri.
Cali wuxuu ka ganacsadaa raashinka maalinlaha loo isticmaalo oo uu ka keeno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Wuxuu xusay in dukaankiisa la diiwaan geliyay labo toddobaad ka hor.
Dhaqaalaha canshuurta ku baxaya ayuu sheegay Cumar Xasan in maamulku uu u adeegsanayo ammaanka, aysanna waqtigaan awood u lahayn inay ku kabana kaabeyaasha kale ee ay bulshadu u baahan tahay.
Wuxuu sheegay in goobaha ganacsiga laga qaadayo lacag u dhexeysa $5 ilaa $50 oo canshuur ah ayna qaadeyso wasaaradda maaliyadda ee maamulka Galmudug. Horay waxaa ganacsatada canshuurta uga qaadi jiray maamullada degmooyinka.
Cabdulaahi Macallin oo mehrad ku leh degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in uu diyaar la yahay canshuurta laakiin taas baddelkeeda uu filanayo ammaan, caafimaad, waxbarasho iyo waddooyinka oo loo hagaajiyo.
Diiwan gelinta ay sameynayso wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Galmudug waa tii ugu horreysay ee laga sameynayo magaalooyinka waaweyn ee maamulku ka taliyo, iyada oo goob ganacsi oo kasta laga qaadayo shan milyan oo shilin Soomaali ah oo diiwaan gelinta ah.