Macallimiinta iskuullada hoose/dhexe ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo la dhimay

0
68

Arrintan ayaa timid markii hay’adda LUTHERN WORLD FEDERATION (LWF) oo gacanta ku haysa iskuullada ee xeryaha Dhadhaab ay shaqadii ka joojisay 231 macalin oo wax ka dhigayay 22 iskuul. Iskuullada oo sannakii 2018-kiii ay dhigayeen 749 macalin waxaa dhigta arday gaaraysa 52,000 waxayna noqoneysaa in halkii macalin uu baro 120 arday.

Waxaa hay’addu sheegtay in macallimiinta shaqada laga joojiyay ay sababtay dhaqaale la’aan soo wajahday. Muqtaar Cadi Cismaan oo ka tirsan saraakiisha waxrabarasha hay’adda LWF ee Xeryaha Dhadhaab ayaa arrintan waxaa ka wareystay weriyaha Raadiyo Ergo Axmed-noor Yogol.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here