Shabeelaha dhexe: Sunta beeraha lagu buufiyo oo yaraysay malabka shinida laga soo saaro

0
275
Sawir/ mid ka mid ah sanduuqda shinida/Maryan Cabd/Ergo

Dadka beerta shinida ee ku nool qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in sanadkan cayayaan badan oo beeraha ku degay ay keentay in beeralaydu adeegsadaan sumo ka badan sanadihii hore, taas oo dhibaato ku keentay shinnidii ay dhaqanayeen.

Beeralayda ayaa beerahooda ku buufinaya sumaha cayayaanka dila oo ay ka mid yihiin Star, Agro star, malaadiyonta shan eber shan(505) iyo noocyo kale oo beeralaydu dalagyadooda ku badbadsadaan, laakin dhanka kale waxay qatar ku noqdeen sumahaasi shinnida.

Shinnida oo ka mid ah cayayaanka duula ayaa waxay u daaq tagtaa meelaha ay qoyaanka iyo cagaarka ku ogtahay oo beeruhu ugu horreeyaan, waxayna cuntaa ubaxa iyo caleenta la sumeeyay taas oo ku keenta inay dhimato ama ay urteeda uga guurta goobahaas, waxaana ka dhashay inuu yaraado malabkii soo go’i lahaa sanadkan.

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dadka ku nool beeralay intooda badan yihiin ayaa sunta beeraha loo adeegsado dartood ay shinidii ku noolayd  ku waayeen beero ay malabka ka heli jireen. Beerahaas ayaa ku kala yaala magaalooyinka  Jowhar, Mahadaay, Balcad  iyo tuulooyinka ku xeeran.

Maxamuud Cali wuxuu degan yahay tuulada Maandheere oo Jowhar u jirtay 17km dhanka koonfur bari Maxamuud wuxuu lahaa markii hore 27 sanduuq oo ay ku jirtay shinida balse waxaa uga soo haray shan sanduuq oo kaliya. Wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in tacabka shinnida dhibka ugu weyn ee ka haysataa uu yahay sunta.

“Cambaar ayaa iga dhacday caleentii canbaha iyo liinta, waxaanan ku buufiyay suntan malaadooyinta, shiniduna dhirtaas uun bay ku dul degtaa inta badan, waxaad arkay baqtigeedii oo geedaha hoos daadsan iyada iyo cayayaan kaleba, hadda muddo sanad ah wax malab ah kama helin,” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud waxaa u beeran 3 higtar oo geed mirood ku beeran yahay, wuxuu intaas ku daray in laba beerood oo kale oo ay daris yihiin mid toddoba sanduuq oo uu lahaa, midna 14 sanduuq kuwaas oo gebi ahaanba ay ka guurtay shinidii.

Dadkaas shinnada dhaqda ayaa sheegaya inay ku adkaatay isku wadista dhaqashada shinida iyo beeraha, Maxamuud wuxuu sheegay in xilliga cayayaanka badan kaco ee sumaha badan lagu buufiyo beeraha ay tahay xilliga xagaaga oo dadku inta badan ay adeegsadaan suntan, waana xilliga shinidu ay malabka dhasho, kaas oo la guran lahaa diseembar.

Wuxuu sheegay 48 sanduuq oo shinni ah inay uga hartay siddeed sanduuq. Lixd bilood oo wax saarkii malab ee uu sugayay uusan helin ayuu bilaabay dhaqashada digaagga si uu uga wareego beerista shinnida.

Xilligaan oo uu malabku soo go’i lahaa ayaa sidoo kale dadkii ka ganacsan jiray dareemayaan inuu suuqyada ku yar yahay. Mako Cali Faarax oo shantii sano ee la soo dhaafay ka ganacsanaysay iibinta malabka ka soo baxa beeraha Jowhar ayaa sheegtay inaysan helin xaddigii malab ee ay horay uga heli jirtay beeraha shinnida.

“Beeraha gobolka ayaan kasoo iibsanayey malabka, waxaanan ka iibinayey dadka gudaha Jowhar, waxaana iga soo gelayey bishii lacag dhan 450 dollar, xilligaan malab badani kama soo go’in beerihii shinida oo wixii aan helay oo yaraa wax aan dhamayn 50 dollar ayaa iga soo gashay,”ayay tiri Mako.

Kiilada malabka ah ayay iibisaa 30 doolar, iyadoo beerahana kaga soo qaadatay 20 doolar, waxaanay sheegtay inay iska xirtay bishii Diiseembar ee ina dhaaftay sandaqadii ay ku iibin jirtay  malabka. Kaliya waxay  guriga ku iibisaa fooxa, malmalka, diinsiga, xabBad soowdada iyo qaar kale oo ay sheegtay inaanay dhaqaalihii kasoo gali jiray  malabka u barbardhigi karin.

Cabdi barre Cali wuxuu lahaa shirkad ay wada lahaayeen isaga labo ganacsato oo kale. Waxay ku maalgeliyeen afar sano ka hor 20 kun oo doolar, beertaas waxaa saarnaa shan boqol oo sanduuqyada shinida lagu xanaaneeyo kana furneyd magaalada Jowhar wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in 20 sanduuq keliya ay uga soo hartay shinidii intii kale ay ka guurtay wixii ka danbeeyey bishii Juun.

“Sanadihii hore suntan la adeegsanay way ka yarayd, 10 sanduuq iyo wax la mid ah ayey ka guuraysay oo aan bedelayey, hadda culayska intii waa ka badan yahay oo shinidii guurtay oo badnayd dhaqaale aan ku soo celin karo ma hayo,”ayuu yiri Cabdi.

Wuxuu intaas ku daray in beerihii kale ee shinida ee ay deriska ahaayeen ay la qabaan dhibaatadaan, isagoo xusay in ilaa shan iyo toban beerood oo agagaarka Jowhar, Mahadaay iyo Balcad oo xiriir iyo is dhaafsi aqooneed ka dhexeeyey ay dhibkaan la qabaan.

“Anniga sidaas uga teegi maayo, hadda xilligaan jiilaalka ee dhulka kale qalalo ayay u soo dhowaanaysaa meelaha webigu maro dib ayaan u beeri,”ayuu yiri Cabdi.

Wuxuu sanadkii soo saarayay malab ka badan 300 oo kiilo,  haddase sanadkan ay u soo baxday 10 kiilo, iyadoo ay ka shaqaynayaan beertiisa 8 qof oo uu sheegay inuusan mushahar u hayn.

Cabdi Aadan Qarafeey oo ah aqoonyahan cayayaanka iyo sumaha beeraha lagu buufiyo ku takhasusay ayaa sheegay inay ku habboon tahay haddii shinida sanduuqa ay ku jirto xilliga habeenkii ah ay degsan tahay la qaadi karo, lagana fogayn karo beeraha la buufiyay.

“Shinida dareen ayey ku socotaa, sumaha beeralaydu isticmaashana waa kala khatarsanyihiin, shiniduna cayayaanka ayey ka mid tahy, middaysan ku dhiman waxay noqonaysaa inay urteeda ka carart oo degaankaba ay saas uga guurto,”ayu yiri Cabdi.

Cabdi ayaa sheegay in sanadkaan cayayaanka beeraha ku habsaday uu ka badnaa sanadihii hore cayaanno cusub ay jireen sida Fall Worm Army, wuxuuna u sababeeyay  xilliyada abaaro is xig xiga iyo qalayl badani dhaco oo haddana fatahaadi ka daba timaado in dhulku caws badan soo saaro taasna ay ka dhashaan cayayaan intii hore ka badan.

“Haddii aan la kal rari karin waxaa habboon in dadka markay buufinayaan beerta ay buufiyaan xilliyada galab gaabkii, xilligaas oo shinidu u hoyato goobtay degan tahay,”ayuu yiri Cabdi.

Sunta Agra ayuu ku tilmaamay inay tahay tan ugu badan ee ay isticmaalayeen beeralaydu sanadkan, ayna ugu khatar badan tahay waxyeelada cayayaanka ay u geysato. Waxaa sidoo kale suntan ku waxyeelooba xoolaha iyo duur joogta kale ee daanyeerka ka mid yahay, iyagoo waqtiyada qaar cuna dalagyadii lagu buufiyay.

Maryan Cabdi ayaa warbixintan ka soo dirtay Jowhar.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here