Konton ka tirsan 300 oo qof oo ku jira xabsiga dhexe ee degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa la baray xirfadaha korontada iyo faryaamada, si marka ay xabsiga ka baxaan ay xirfadahaas ugu shaqeystaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay taliyaha xabsiga Saciid Barre Cali.
Tababarka oo socday labadii bilood ee Oktoober iyo Nofembar ee la soo dhaafay ayaa loo xushay inay ka faa’iideystaan maxaabiista xabsiga dhammeysan rabo, si marka ay bannaanka tagaan ay ugu shaqeystaan xirfadahaas. Lix iyo labaatan ka tirsan dhallinyaradaas waxay dhammeysteen dabayaaqadii bishii Nofembar ilaa bartamihii bishaan December.
Hay’ad magacaabo Kaalo oo ka howlgasha deegaannada Punland ayaa fulisay mashruuca lagu tababarayay maxaabiista, waxaana taageerayay Midowga Yurub. Dhallinnyarada ayaa marki ay dhammeysteen la siiyay qalabka ay u baahan yihiin si xirfadaha la baray ay ugu shaqeystaan marka ay xabsiga ka baxaan.
Maxamed Salaad Cali oo ah 25 jir ah ka mid ah dhallinyarada xabsiga u dhammaaday tababarkana ka faa’iideystay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xirfadda faryaamada oo uu bartay uu durbaba ku shaqo billaabay. Magaalada Qardho ayuu horraantii bishaan December ka furtay goob lagu sameeyo qalabka sariiraha, kuraasta iyo miisaska.
“Waxaan bartay faaradda oo way i anfacday, dhiirrigelinna waan ka helay, waxaan bartay intii aan xirnaa oo waqtiga aan haystay. Qalabka la I siiyay waxaa ka mid ah miinshaar iyo qalabkii lagu xirxirayay alwaaxyada. Aniga mehrad weyn ayaan leeyahay oo ii furan, qaarna anaa ku darsaday, waxna waa wixii la i siiyay,” ayuu yiri Maxamed.
Lacag u dhexeysa $15 ilaa $20 ayaa maalinti ka soo gasha mehraddan, wuxuuna ka maareeyaa nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada afar carruur ah oo uu dhalay.
Maxamed wuxuu sheegay in lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa dhallinyaro toorrey ku dhaawacay gabar, sidaasna loo xiray markii ay maxkamad ku xukuntay xabsi saddex bilood iyo bar ah. 25-kii bishii la soo dhaafay ee Nofembar ayuu Maxamed u dhammaaday xabsiga.
Waxaa jiro dhallinyaro kale oo aan weli dhammeysanin xabsiga, laakiin bartay xirfadahaan, lana siiyay qalabka. Dhallinyarasdaas waxaa ka mid ah Cawil Maxmed Maxamuud oo ah 22 jir ku xiran xabsiga dhexe ee Qardho.
Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in xirfadda uu bartay oo ah korontada uu rajeynayo inuu ku shaqeysan doono marka laga sii daayo xabsiga. Cawil markiisi hore ma lahayn wax xirfad ah.
“Markii hore ee aan bannaanka joogay iyo hadda farqi baa u dhexeeya, maantana wax fiican ayaan faa’iiday oo haddii aan halkaan ka baxo qof shaqeysan karo ayaan ahay. Muddo labo bilood ah ayay waxbarashada noo socotay. Waxaa ii qorsheysan markaan xabsiga dhammeysto inaan shaqeysto. Isma lahayn marki hore koronto ayaad ka shaqeyn doontaa, laakiin maanta waan bartay,” ayuu yiri.
Taliyaha xabsiga uu ku xiran yahay Cawil, ayaa noo sheegay in waalidkiisa ay keeneen xabsiga, iyagoo doonaya in dhaqan celin loogu sameeyo gudaha xabsiga, sidaasna ay sameeyaan mar kasto oo waalid uu qof uu dhalay keeno.
Wuxuu xusay in xirfadaha la barayo maxaabiista ay qeyb ka noqon karaan yareynta fal dambiyeedyada ay ku kacaan ee loo soo xiri karo, gaar ahaan kuwa loo soo xiro dambiyada fudud, sida kuwa dhaca habeenkii mehradaha ganacsiga, inay qof ka qaataan moobil, dhaawac fudud oo qof loo gaysto iyo qashqashaad ay dhallinyaradu ku sameeyaan gabdhaha.
“Maalin walba kuwo ayaa nagu soo laaban jiray, mar kasta oo la dhaqan celiyo way nagu soo laaban jireen, laakiin xirfadahaan waxay qofka ku mashquulinayaan shaqadiisa. Waxayna ku eedeysan yihiin dambiyo fudud,” ayuu yiri taliyaha.
Cabdijaliil Saciid Xaashi oo ah madaxa hay’adda Kaalo ee degmada Qardho ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ujeeddada xirfadahaan la barayo maxaabiista ay tahay sidii loo yareyn lahaa shaqo la’aanta dhallinyarada oo uu sheegay inay tahay tan ugu badan ee ku kallifta inay ku dhacaan fal dambiyeedyo.
Wuxuu xusay in mashruucaan oo ay ku baxday nus milyan doolar uu horseedi doono in xabsiyada ay noqdaan goobo aqoon iyo xirfadaba ay maxaabiistu ka helaan.
Mashruucaan oo socon doono labo sano oo laga soo billaabo bishii afaraad ee sanadkaan 2018 ayaa lagu beegsanayaa in xirfado ay ku bartaan 400 oo maxbuus oo ku kala jiro xabsiyada ugu waaweyn Puntland, ee ku yaalla Qardho, Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo, sida ay noo sheegtay hay’adda Kaalo.