Xoolo-dhaqato ku khasbanaatay in ay iibiyaan xoolahooda si ay biyo ugu beddeshaan

0
111
keddka Ergo

Cabdi Maxamed Cige shantii todobaad ee u dambeysay waxaa uu ku nool yahay biyo uu toddobaadkii hal mar uu shubto, taasoo uu ku beddesho xoolihiisa. Toban neef ayuu iibiyay muddadaas, iyadoo lacagtii uu ka helay uu ku iibsaday biyo ay cabbaan qoyskiisa iyo xoolaha.

Qoyska Cabdi oo ka kooban siddeed sagaal qof waxaa ku nool yihiin tuulada Dacarta oo 70 KM dhinaca koonfur galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ka jirto biyo yaraan kaddib markii xilli roobaadkii deyrta uusan ka di’in ay keentay in ay qallalaan balliyadii iyo barkadihii ay dadka iyo duunyada biyaha ka cabbi jireen

Waxaa maalin kasta oo Sabti ah booyad biyo ah uu ka iibsadaa booyado biyo dhaamin ka sameeyo deegaanka. Booyadda biyaha oo ka kooban 30 fuusto ayuu Cabdi Maxamed ku iibsadaa 1,100,000 oo shilinka Somaliland ($110).

Si uu u helo lacag uu biyaha ku iibsado waa in Cabdi uu toddobaad kasta neef ari ah u suuqa geeyaa Hargeysa, waxaana uu ugu fadhiyaa neefkii $50-$60.

Cabdi waxaa uu leeyahay 230 neef oo ari ah. Wuxuu ka walwalsan yahay sida biyo yaraanta deegaanka ka jirta ay u adkeysay nolosha qoyskiisa iyo xoolaha uu dhaqdaba.

Inka badan 50 qoys qoys oo xoolo-dhaqato ah ayaa Dacarta uga guuray biyo yaraanta ka jirta, waxayna deggeen deegaannada Gabiley, Ijaara, Arabsiyo, Alley-badey iyo Wajaale oo ay ku yaallaan ceelal qodaal ah, biyuhuna ay raqiis ka yihiin.

Sidaas waxaa Raadiyo Ergo u sheegay Cabdullaahi Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha Dacarta. Roobka deyrta ayaa si wanaagsan uga da’ay deegaannadan, walina waxaa ay ka helayaan dadku naqii roobka ku baxay.

 “Reer miyiga oo xoolahooda aan si sahlan ku iibin jirin hadda ayey billaabeen in ay biyo ku beddeshaan. Runtii waxaan ka cabsi qabnaa in ay dad u dhintaan biyo la’aanta na heysa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in aysan laheyn awood dhaqaale oo ay dadka biyo dhaamin ugu sameeyaan, hase yeeshee booyadaha biyaha ay ka codsadeen in qiimaha biyaha ay ka dhigmaan.

Raxma Xasan Cali, waa hooyada saddex caruur ah oo agoon ah, waxay deggan tahay Dacarta. Abaar ka dhacday 2016 deegaanka Maraaga oo u dhow Hargeysa ayaa xoolahadii ay kaga le’deen.

Way ku adag tahay in ay hesho lacagta biyaha lagu iibsado, iyadoo aanay heysan dhaqaale marka laga reebo lacag dhan $60 ah oo bil kasta gabar walaasheed ah ay uga soo dirto Hargeysa. Waxay lacagtaas bishiiba mar ku iibsadaan raashin uu qoyskiisu cuno.

Raxma ayaa tilmaantay in maalmaha qaar ay cuntada u karsan waayaan biyo la’aan darteed. Hadda saddexdii maalmood ee u dambeysay waxaa ay cabayaan shan jirgaan oo biyo ah oo uu ku caawiyay nin ay ehel yihiin oo isla deegaanka ku nool.

“Dadkii markaad mar walba ku noqoto ee biyo aad weydiisato way ku karaahsanayaan, laakiin oonka jira waan u tagnaa oo way na soo siiyaan uun,” ayay tiri Raxma

Intii aysan biyo yaraantu dhicin waxay biyaha ka dhaansan jirtay barkad gurigeeda u dhow oo dadka Dacarta ku nool ay ka cabbi jiray.

Biyo yaraanta xoolo-dhaqatada ku heysata deegaanka ka sokow waxay ka cabsi ka qabaan in xoolaha ay la soo deristo abaar darran oo middii sanadkii hore oo kale ah.

Aadan Ciise Muxumed 300 oo neef oo ari ah iyo 20 geel ah ayuu ku dhaqdaa miyi 15 km koonfur ka xiga Dacarta. Waxaa uu sheegay in waligiis uusan xoolihiisa u iibin in uu biyo ku helo.

Wuxuu xusay in bishii uu hal neef oo uu raashin ku gato uu suuqa u iib-geyn jiray intii aanay biyo yaraantu dhicin ka hor, laakiin bishan December oo keliya wuxuu iibiyey 11 neef oo ari ah, kuwaas oo toddobaadyo kala duwan uu iibiyey si uu biyo ugu gato.

“Haddii ay sidan ku sii socdaan way iska dhamaan xooluhu. Xoolihii waa mar aad biyo u raadineyso iyo mar aad baad u raadinayso, ” ayuu yiri Aadan.

Aadan waa aabbaha 13 carruur ah oo ay dhaleen labo xaas oo baaddiyaha u wada jooga.

Xoolo-dhaqatada waxay sidoo kale ka walwal qabaan in xaaladda biyo yaraanta ay sii xumaato, maaddaama waqtiga jiilaalka la galayo oo roob uusan hadda da’aynin.

Dadkan waxay cuntada ku helaan xoolahooda ay iibsadaan oo ay raashin ku soo gataan lacagta ay ka helaan. Waxayna sheegeen in deegaannadooda aysan laheyn calaf wanaagsan oo ay xoolaha cunaan.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here