Dadka ku nool deegaanka Ceel-sheekh oo ka tirsan deegaannada xeebta degmada Lughaye ee gobolka Awdal ayaa ka cabanaya dhurwaa dad qaad ah oo habeenkii soo weerara goobaha ay dadku deggan yihiin.
Dhacdooyinkii u dambeeyey ee weerar uu soo qaadday dhurwaaga ayaa waxaa ku dhaawacmay gabar toddoba jir ah oo hadda lagu daweynaya isbitaal ku yaalla magaalada Hargaysa.
Gabadhaas waxaa dhalay Allaale Maxamed Cumar. Raadiyo Ergo oo uu u warramay ayuu sheegay in sababta dhurwaagu u dad qaad u noqday ay tahay in xilligi dabeysha Sagar ay dhacday bishii May dadkii ku dhintay uu meydkooda cunay dhurwaaga, sidaa darteedna uu bartay hilibka dadka.
Fowsiya Cumar ayaa khadka taleefanka ku wareystay.