Dad badan oo laga helay cudurka qaaxada oo lagu daweynaya isbitaalka Hargeysa

0
261
Bukaan Qaaxo, Kaydka Ergo.

ERGO – Isbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa ayaa laga diiwaangeliyey inka badan 470 qof oo qabo cudurka qaaxada 45 maalmood ee u dambeysay, taasoo dhakhaatiirtu ay ku tilmaameen in ay muujineysa kor u kaca dadka uu ku dhaco cudurka.

Ilaa 300 oo kamid ah dadka xanuunka laga helay ayaa ka kala yimid deegaannada miyiga ah ee gobollada Sanaag, Togdheer iyo deegaannada xeebaha, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr Cismaan Cabdi Meygaag oo ah agaasimaha isbitaalka qaaxada ee Hargeysa. Waana dadkii

Waxaa uu sababta kororka dadka uu ku dhaca xanuunka u sabababeeyey helitaanka cunnada oo ku adag dadka reer miyiga maaddaamaa ay xoolahoodii abaaraha ku dhamaadeen iyo ciriiri ka jira xeryaha ay xoolo-dhaqatada u soo barakaceen, taasoo keentay in ay si fudud dadka cudurka isugu gudbiyaan.

“Waxaanu ogaanay in ay dadku si fudud cudurka u kala qaadi karaan. Waa dad aan waxba heysan oo cunno yaraan ayaa ka jirta meelaha ay yimaadeen. Haddaanu qofka helin cunno cudurka si fudud ayuu u qaadi karaa”, ayuu yiri Dr Cismaan oo intaas ku daray in keliya intii u dhexeysay July iyo September 165 qof cudurka laga helay.

Waxaa hadda xanuunka looga daweynayaa, oo isbitaalka u jiifta 180 qof , halka 750 ay yihiin bukaano dawada cudurka ku qaato guryahooda.

Adeegyada uu isbitaalka qaaxada bixiya sida baarista, daweynta iyo cuntada la siiya bukaannada ayaa ah kuwa bilaash ah, sida Dr Cismaan sheegay.

Saalax Siciid Maxamuud oo ah 40 jir ayaa kamid ah bukaannada cudurka laga daweynayo. Muddo saddex maalmood ah ayuu u soo lugeynayey Hargeysa, isagoo ka yimid deegaanka Xiis ee gobolka Sanaag. Deegaanka uu ka yimid oo ah buuraley aan jid wanaagsan laheyn ayaa keentay in uu isbitaalka u lugeeyo.

Qoyskiisa ayaa markii hore uga shakiyey in uu cudurka qabo, markii la keenay isbitaalkana November ee la baaray ayaa laga helay xanuunka.

“Waxaan dareemayey tababar darro, xumad habeenkii i qabaneysa, miisaankeygana wuu dhibmay. Muddo ayaa ayaan xanuunka dareemayey. Hadda waan soo caafimaadayaa, daawadana si wanaagsan ayaan u qaataa”, ayuu yiri Saalax.

Waxaa uu kamid yahay bukaannada ku jira isbitaalka, wuxuuna ku sii jiri doono ilaa uu dawada ka dhameysanaya oo uu si buuxda xanuunka uga caafimaadaya. Caadiyan qaadashada dawada qaaxada waxay qaadataa muddo lix bilood ah, sida agaasimaha isbitaalka uu noo sheegay.

Dr Cismaan waxaa uu sheegay in cudurka qaaxadu inta badan uu ku dhaco dadka saboolka ee aan awoodin inay helaan cuno nafaqeysan iyo daryeel caafimaad, badina dadka isbitaalka loo keeno xanuunka ay yihiin kuwa sabool ah.

Cabdikariin Muxumed Cumar, oo ku nool Hargeysa ayaa 25-kii bishii hore baaris lagu sameeyey candhuuftiisa lagu ogaaday in uu qaaxada qabo. Waxaa uu dawada cudurka ku qaato gurigiisa.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay hadda ka soo reyneysa, uuna rajeynaya in uu si buuxda u caafimaadi doono.

Ka hor intii aanan cudurka laga helin, waxaa uu ahaa muruqmaal, isagoo maareyn jiray nolosha qoyskiisa oo ka kooban lix qof. Cabdirikariin ayaa tilmaamay in masruufka qoyska ay hadda la wareegtay xaaskiisa oo suuqa Hargeysa ku iibisa yaanyo iyo baradho.

Isbitaalka qaaxada Hargeysa waa kan keliya ee qaabilsan daweynta dadka uu ku dhaco xanuunka deegaannada Somaliland oo dhan.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here