Baydhabo: Beeraley carruurtooda waxbarashada uga reebay si ay tuulooyinkoodi ugu noqdaan

0
217
Sawir Keydka Ergo

(ERGO) – Siddeetan carruur ah oo ka soojeeda qoysaska barakaca ku ahaa Baydhabo ayaa waxbarashada ka haray saddexdiibilood ee u dambeeyay. Waalidiintood oo ku laabtay deegaannadii ay beeraleydaku ahaayeen ayaa kala baxay iskuullada, sidaas waxaa Raadiyo Ergo u sheegaymaamuleyaasha iskuulladaas.

Deegaannada Aw-diinle, Boonkay, Misir, Misgaale, Salboy, Ashagow iyo kuwo kale ayay ku laabteen qoysaska carruurtaan, si ay uga faa’iideystaan roobka dayrta oo beerahooda ay u abuurtaan. Badankood waxay laabteen bishii Sabteembar ee sanadkaan.

Lixdan ka tirsan carruurtaas waxay dhiganayeen dugsiga hoose Dhexe ee Kormari oo ku yaalla duleedka bari ee magaalada Baydhabo. Iskuulkaan Kormari wuxuu qeyb ka ahaa mashruuc uu bishii Luuliyo ee sanadkaan xeryaha lagu barakacay ka hirgeliyay guddiga qaxootiga Norway ee loo soo gaabiyo NRC.

Aamino Cismaan Aadan oo ah maamulaha iskuulka Kormari ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in waxbarashada iskuulka ay tahay bilaash, maaddaama qoysaska barakaca ah aysan awoodin inay dhaqaalaha lagu dhigto dugsiyada iska bixiyaan.

Waxay tilmaantay inay isku dayeen ka maamul ahaan inay waalidiinta ku qanciyaan in aanay carruurta ka kala jarin waxbarashada, laakiin ay ku adkeysteen inay carruurtooda kala baxaan iskuullada maaddaama aanay ka tagi karin ayna ku laabanayaan deegaannadoodi.

Iskuulka ay Aamino maamulaha ka tahay waxaa dhigto 630 carruur ah oo ka kala timaadda sagaal xero lagu barakacay oo ku yaalla Baydhabo.

Xeryaha lagu barakacay ee Baydhabo waxaa ku yaallaa toddobo iskuul oo ay sameysay hay’adda NRC, sida uu Raadiyo ergo u sheegay Maxamed Aadan oo ah wakiil hay’adda ee gobollada Bay iyo Bakool.

Dugsiyadaan ayaa laga bartaa waxbarashada hoose, waxaana qorshuhu yahay in ardayda ka baxda fasalka afaraad loo wareejiyo dugsiyada kale ee magaalada oo ay taageerto isla hay’adda.

Safiyo Cabdi Maxamed waxay ka mid tahay hooyooyinka carruurtooda ka joojiyay waxbarashada. Labo carruur ah oo ay dhashay ayaa dhigan jiray dugsiga Kormari, hase yeeshee waxay dib ugu celisay deegaankooda oo lagu magacaabo Shabeelow oo Baydhabo u jira 30 km.

Qoyskeeda oo ka kooban toban qof ayaa tuuladan ka maqnaa muddo sanad iyo bar ah. Carruurta waxay dib u celisay markii labadii xilli ay u dambeysay roobabkii da’ay ay u suurageliyeen inay wax tacbadaan.

“Beerihii ayaaba shaqo naga raba marka beerta ayay igala war qabayaan oo igala shaqeyanayaan,” ayay tiri Safiyo.

Deegaannada ay qoysaskan ku noqdeen oo dhan roobka deyrta kama wada di’in, waxaana jira ilaa 1,200 oo qoys oo markii ay waayeen ama ay ku yaraadeen roobabka dib ugu soo noqday xeryaha sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdinuur Ibraahim Maxamed oo ah guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda Baydhabo.

Wuxuu intaas ku daray in 3,400 oo beer oo iskaashatadooda u diiwaangashan oo la abuuray xilliga dayrta ay 1,700 ka tirsan qallaleen. Waxaa ku beernaa masaggo, galley, digir iyo sisin.

Marka la gaaro xili roobadyada gu’ga iyo dayrta waxaa jira qoysas isku diyaariya inay si iskood ah ugu noqdaan tuulooyinkii ay ka yimaadeen si noloshoodii hore dib ugu billaabaan.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here