Carmo: Barakacayaal caano ay cabbeen ku sumoobay

0
49

Sagaashan qof oo ay ku jiraan haween uur leh ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Carmo ee gobolka Bari kuwaas oo la sheegay inay ku sumoobeen caano laga soo lisay xoolo la daweeyay.

Faadumo Cabdullaahi oo ah maamulaha caafimaadka degmada Carmo ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in dadka sumoobay ay ku jireen xero barakac oo ku taalla tuulada Ceel-daahir oo 7 km u jirta Carmo.

Leyla Cabdi Maxamed oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa Faadumo ku wareysatay taleefanka, waxayna marka hore weydiisay sida ay ku ogaadeen in dadku ay cabbeen caano sumeysan.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here