Weriyeyaasha Soomaalida ayaa la kulma tacaddiyo dil, isku day dil iyo xarig isugu jira, kuwaas oo aan weli si cad waxba looga qabanin.
Dhacdadii u dambeysay ee waxyeello loo geysto weriye waxay dhacday shalay oo Talaado ahayd, markii qarax loogu xiray gaarigiisa uu ku dhaawacmay weriye lagu magacaabo Ismaaciil Sheekh Khaliifa.
Haddaba Maxamed Shiil Xasan oo ah weriye ruug caddaa ahna isku duwaha guud ee guddiga badbaadada suxufiyiinta Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo SMSJ oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa Raadiyo Ergo uga warramay cidda uu xil ka saaran yahay badbaadinta weriyeyaasha iyo la xisaabtan la’aanta dadka dhibaatooyinkaas u geysta.
Maxamed Xaashi Tawakal oo ka tirsan Raadiyo Ergo ayaa Maxamed Shiil ka wareystay arrimahaas.