Soomaaliya: Caqadaha naafada ka haysta helista waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin

0
98
Photo|Farxaan Daahir, oo indhaha naafo ka ah oo ku shaqeysanayo qalab uu wareejinayo/Sidiiq/Keydka Ergo

(ERGO) – Suleymaan Maxamed Xasan oo naafo ka ah hal lug, waa 24 jir shaqo dalbaday in ka badan 150 jeer, laakiin ku hungoobay. Tan iyo sanadkii 2012-kii ayuu dirsanayay codsiyo shaqooyin la soo bandhigay.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay, wasaaradaha Somaliland iyo iskuullada ayaa ka mid ah meelaha uu codsiyada shaqo u gudbistay.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in meel kasta oo uu shaqo ka dalbado looga sheego inuu yahay naafo oo aan la shaqaaleysiin karin.

Suleymaan wuxuu haystaa shahaadaha heerka labaad ee jaamacadda, oo uu ka sameeyay maareynta xisaabaadka, iyo cilmiga tignoolajiyadda oo uu ka qalin jabiyay sanadihii 2017 iyo 2018.

“Mar kasta waxaa la igu xirayaa naafo ayaad tahay. Mar haddaad naafo tahay maskaxdana waad ka jirran tahay ayay igu yiraahdaan. Aniga jir ahaan iyo maskax ahaan waan caafimaad qabaa. Dadka qaar waxay igu yiraahdaan waad dawarsaneysaa, waa tuug, darbi jiifka raac iyo maad tagtid meelaha carruuraha lagu xannaaneeyo,’” ayuu yiri Suleymaan.

Wuxuu shaqooyinka dalbaday isagoo jooga Hargeysa, Berebera, Burco iyo meelo kale oo Somaliland ah, mar qurana muusan helin jawaab farxad gelisa.

Naafada Soomaalida ayaa sheega in ay haystaan caqabado kala duwan oo ka hor istaaga waxyaabo badan oo ay xaq u leeyihiin sida helista fursado shaqo, inaysan isticmaali karin meelaha laga galo dhismeyaasha, inaysan helin adeeg caafimaad iyo waxbarasho ku filan iyo faquuq naafonimadooda.

In kastoo naafadu ay ka siman yihiin dhibaatooyinkaas, haddana dumarka waaweyn iyo gabdhaha yaryarba waxaa u dheer inaysan badankood ka soo bixin guryaha, ayna sabab u tahay eheladooda ama dadka ay la nool yihiin oo kula taliya inaysan bannaanka aadin.

Waxay sidaas ku dhacday Weris Cabdullaahi Shirwac oo 28 jir naafo ka ah labada lugood. Weris waa guddoomiyaha ururka naafada Galmudug. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xilli ay Gaalkacyo iyo tuulooyinka u dhow ka sameynayeen tiro-koob dadka naafada ah lagu ogaanayay ay la kulmeen haween iyo gabdho guryaha iskaga jiro.

Waxay xustay in arrintaasi ay sabab u tahay waalidiinta iyo dadka ay la nool yihiin oo ku yiraahda ‘waa cee bee bannaanka ha u soo bixin,’ taas oo keentay in gabdho badan oo naafo ah ay waayaan wax kastoo ay xaq u lahaayeen sida inay waxbarasho helaan.

“Haddii la tuso qofka naafada ah inuu dadka kale la mid yahay oo lagu yiraahdo dadka ayaad la mid tahay, waxba ma qabtid, iskuulka aad, dugsiga aad, wax iska caadi ahay noqon lahayd. Aniga waxaa la igu oran jiray ha bixin waa ceeb,” ayay tiri Weris.

Ururka ay guddoomiyaha ka tahay Weris waxaa ka diiwan gashan 900 oo qof oo 600 oo ka tirsan ay yihiin dumar waaweyn iyo gabdho yar yar. Waxay tilmaantay in dhammaan dadkaas ay diiwaan geliyeen ay ku nool yihiin Gaalkacyo iyo tuulooyin hoos taga.

Waxay tilmaantay in dadka naafada ah ay sidoo kale dhibaato ku tahay isticmaalka dhismeyaasha iskuullada, ganacsiga, dukaamada iyo waddooyinkaba.

Dhammaan goobahaas waa kuwo leh jaraan jarooyin ama meelaha laga galo ay dhaadheer yihiin oo aanay suurta gal u ahayn qofka naafada ee garguuranaya iyo kan ku socda baabuurka curyaamadaba in uu si sahal ah kaga gudbo.

Dadka lixaadka la’ ayaa shaqooyinka ku waaya iyagoo aan fuuli karin meelaha ay shaqooyinka ka helaan, haddiiba la shaqaaleysiinayo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Ammiin oo ah 34 jir naafo ah oo ku nool magaalada Kismaayo.

Waa agaasimaha ururka naafada Jubaland, wuxuu sheegay in qofka naafada ah si walba oo uu aqoon u leeyahay aysan suurta gal u ahayn shaqada uu jecel yahay inuu qabto.

“Boosaska la soo dhejiyo ee shaqada haddii uu ku guuleysto ma geli karo dhismeyaasha, waayo way dhaadheer yihiin ama waa jaraanjaro, kaddib waxaa lagu oranayaa shaqada ma qaban kartid, sababtoo ah meesha loo shaqo tagayo way kugu adag tahay inaad fuusho,” ayuu yiri Maxamed.

Dhanka caafimaadka marka laga hadlo ayuu sheegay inay jiraan dad badan oo u baahan inay helaan fiiso-tarabbi gaar ahaan carruurta oo laga yaabi lahaa inay wax ka baddeli lahayd xaaladdooda naafonimo, laakiin adeeggaasi uusan ka jirin dalka.

“Magaalada Kismaayo waxaan diiwaan gelinnay 130 carruur naafo ka ah lugaha iyo gacmaha balse nasiib darro meel la geeyo ma jirto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed.

Qiimeyn ay samaysay hay’adda WHO sanadki 2011-kii ayay ku sheegtay in naafada ay 15% tahay bulshada Soomaalida. Laakiin Cabdiraxmaan Luunge oo ah agaasimaha xafiiska arrimaha naafada ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in 20% ay yihiin qiyaas ahaan.

Waxaa hadda aqalka sare hor yaalla hindise-sharciyeedka naafada oo ay ku jirto dhimaha hay’adda qaranka ee naafada. Waxaa horay u ansixiyey aqalka golaha shacabka.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here