In ka badan 40 qoys oo horay u ahaa xolo-dhaqatadii ku cayroobay abaarihi dalka ka dhacay ayaa dib u billaabay inay miyiga ku laabtaan. Qoyasakaan waxay barakac ku ahaayeen magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Haweenka qoysaskaan laabtay ayaa muddadii ay joogeen magaalada sameystay shaqooyin yaryar oo ay ka maareynayeen nolosha qoysaskooda. Sidoo kale waxay aruursadeen lacago muddadii ay shaqooyinkaas hayeen, taas oo u suurta gelisay inay xoolo ku iibsadaan, sida uu warbixintaan ku faahfaahinayo weriyaha Raadiyo Ergo ee Burco Sidiiq Yuusuf Khalaf.