Inka badan 400 oo qoys oo ku jiro xero barakac oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa helay gargaar raashin iyo biyo, kaasoo ay soo ururiyeen barakacayaal kale oo iyaguna isla xeryo magaalada ku yaalla ku jira.
Qoysaskan gargaarka helay bartamihii bishan ayaa muddo saddex bilood ah ku sugnaa Caabudwaaq, waxayna ka soo barakaceen rabshado ka dhacay gudaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Koox haween ah oo 60 qof ka kooban ayaa kaalmada raashinka ka soo ururiyey dad kale oo barakacayaal oo abaarihii dhawaa ku barakacay iyo dad deegaanka ah. Waxay mid mid u tagayeen suuqyada iyo xaafadaha Caabudwaaq, iyagoo ka soo ururiyey suuqyada iyo xaafadaha Caabudwaaqq gargaar isugu jira raashin, dhar, maacuun iyo lacag.
Canab Cabdi Cali oo madax ka ah xerada barakaca Mahad-Alle, oo hormud u aheyd haweenka ururiyey kaalmada ayaa u sheegtay Raadiyo Ergo in howshan ay ku dhalisay markii ay arkeen heerka ay gaarsiisan tahay baahida ay dadkaas u qabaan in ay helaan gargaar, iyadoo aysan jirin wax hay’ado ah oo caawiyey.
Waxay sheegtay marka laga tago raashinka in ay ururiyeen lacag dhan $1,300.
“$400 oo lacagta kamid ah waxaan ugu iibinay baco ay aqalladooda ku xirtaan. Raashinka waxaan u siinay sida ay qoysaska u kala badan yihiin”, ayey tiri Canab.
Qoysaska gargaarkan ka faa’iideysta waxaa kamid ah qoyska Qureesha Food oo ah hooyada toban carruur ah oo ka soo barakacday bishii September deegaanka Tuli-guuleed ee Itoobiya markii colaad u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada uu deegaanku ka qarxay.
Labo jeer oo kala duwan ayey October iyo November waxay heshay raashin ka kooban 12 kiilo oo baasto iyo sonkor ah iyo saddex liitar oo saliid ah.
Waxay kaloo heshay maacuun, dhar iyo bacaha roobka laga jirsada.
Koox dhallinyaro mutadawiciin ah, ayaa iyaguna toddobaadkan raashin ay iska soo ururiyeen oo isugu jira toddoba loor oo bur, bariis iyo sokor ku wareejiyey haweenka.
Dadka ka soo barakacaya rabshadaha qowmiyadaha u dhexeeya ee ka jira gudaha Itoobiya ayaa ku soo badanayey xeryaha Caabudwaaq labadii bilood ee u dambeeyey.
Ilyaas Aadan Askar oo ah aabaha qoys ka kooban 20 qof ah wuxuu qoyskiisa October 25 helay raashinka kaalmada ah ee ay haweenka soo aruuriyeen oo ka koobnaa min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sokor ah, kartoon baasto ah iyo saliid. Waxaa raashinkaas loo siiyay in qoyskiisa uu aad uga tiro badan yahay qoysaska kale ee soo barakacay.
Raashinka wuxuu helay markii uu wax ka yar toddobaad un joogay xerada Mahad-Alle. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qoyskiisa oo badan darteed uusan raashinkaas ku wada filneyn, balse ay tahay kaalmada keliya ee uu helay markii uu yimid Caabudwaaq.
Haweenka howshan sameeyey waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan inta karaankooda ah caawinta dadka cusub ee soo barakacay.