Maxamed Cabdirisaaq Ciise oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha qoyska ayaa daraasad ka sameeyey burburka ku yimaado qoysaska ku nool magaalada Garowe. Daraasaddaas ayaa sheegeysa in burburka qoyska ee hadda dhaca uu u badan yahay mid salka ku haya aqoon la’aan iyo faham darro la xiriirta xallinta khilaafaadka qoyska oo ay wajahaan dhallinyara badan.
Waxaa inta badan furriinku dhacaa iyadoo aanba la dooran in la wada-hadlo. Daraasaddu waxay soo jeedisay talooyin arrintaas ku aadan si xal loogu helo furriinka deg-degga ah oo saameeya mustaqbalka ubadka.
Daraasaddan oo socotay inka badan laba bilood ayuu Maxamed soo bandhigay toddobaadkii hore.Waxaa wareystay Cabdiraxmaan Xaaji oo marka hore weydiiyey wixi ku dhaliyay in uu daraasaddaas sameeyo.