Cudurka xiiq-dheerta ayaa ka dillaacay tuulada Coodanle oo 180Km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Burco ee gobolka Togdheer, iyadoo tan iyo horraantii bishan uu soo ritay 46 carruur ah sida ay xaqiijinayaan mas’uuliyiinta hay’adda bisha cas ee gobolka.
Carruurta uu soo ritay cudurka, ayaa guryahooda la jiifa xanuunka, iyadoo Coodanle aysan laheyn isbitaal ama xarun caafimaad toona. Koox ka tirsan bisha cas oo toddobaadkan booqatay tuulada ayaa arkay carruurta uu cudurka soo ritay.
Dr Cabdi Maxamed Cali oo farmashi ku leh deegaanka, ahna dhakhtar kala taliya hay’adaha iyo wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliland xaaladaha caafimaad ee ka jira Coodanle, ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in 12 carruur ah uu cudurku soo ritay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay .
“Carruurta la ii keenay naqaskii ayaa ku dhegay oo meel fog in ay ka neefsanayaan ayaad moodaa. Waxay leeyihiin qufac badan, xumad jabin ayaan siinayaa intii la ii keenay, balse guryaha iyo deegaannadan magaalada ka baxsan way ka jirtaa oo carruur badan ayaa u jiifta”, ayuu yiri Dr Cabdi.
Kaniinayaasha ay carruurta qaataan ayey tahay in ay farmashiyaha ka iibsadaan.
Cudurka waxaa uu markii hore ka dillaacay dhinaca xadka dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo ku faafay Coodanle oo xuduudda u dhow, sida Dr Cabdi uu sheegay.
Xiiq-dheerta malahan wax dawo ah, waxaana looga hortagaa tallaalka oo keliya, carruurta uu hadda ku dhacayna lagama tallaalin xanuunka. Xilligii ugu dambeysay ee Coodanle tallaalka cudurka laga sameeyey waxay aheyd bishii June.
Axmed Ismaaciil Xasan, ayaa kamid ah waalidiinta ay carruurtoodu cudurka soo ritay. Wuxuu muddo siddeed maalmood xanuunka xiiq-dheerta u jiifa shan carruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa. Waxaa uu sheegay in uu siiyo malab iyo maraqa soolaha si ay cunto ugu noqoto.
“Meel aan geeyo waan garan waayay oo laba saacadood meesha uu gaadhigu u soconayo ayaa cisbitaal noogu dhow. Wax aan ku daweeyo ma aqaan oo xaaladdooda caafimaad way ka sii dareysaa”
Axmed waa reer guuraa, carruurtiisuna ma helin tallaalkii cudurka ee Coodanle laga fuliyey.
Guddoomiyaha maamulka tuulada Coodanle, Xasan Cawil ayaa sheegay in marka laga tago xiiq-dheerta haatan deegaanka ka dillaacay haddana adeeg la’aanta caafimaadka ee deegaanka ka jirta ay si isku mid ah u wada-saameysay bulshada ku nool.
Wasaaradda caafimaadka iyo maamulka gobolka Togdheer, ayuu xusay in ay gaarsiiyeen dhibaatada ka jira Coodanle, laakiin aysan ilaa hadda wax jawaab ah ka heyn.
“Meesha ayaa iska geeri go’an ah, wax walba wakhti dambe ayaa laga soo jawaabayaa. Waxaan ka cabsi qabnaan in xanuunkaasi ku sii fido deegaanka”, ayuu yiri Cawil.
Riyaad Jaamac Mahdi oo iyadana kamid ah dadka deggan Coodanle, afar carruur ah oo ay dhashay ayey kaga dhacday xiiq-dheertu. Muddo saddex todobaad ah ayey hadda heysaa caruurteeda.
Waxay sheegtay in aanay awood u laheyn dhakhtar ay geyso carruurta si ay u la tacaasho xaaladooda caafimaad. Xumad badan, Qufac Joogto iyo matag ayey sheegtay in ay ku aragtay carruurteeda.
Riyaad ayaa xustay in aanay awoodin lacag dhan $30 oo ay ku aragto dhakhtar carruurta ah oo ka howlgala isbitaal ku yaalla magaalada Balidhiig oo ah meesha ugu dhow ee ay dadka Coodanle adeeg caafimaad ka heli karaan.
Waxay ka walwalsan tahay sida ay ku dambeyn doonto xaaladda caafimaad ee carruurteeda, iyadoo rajeyneysa in haddii ay carruurtu cudurka ka bogsadaan ay ka tallaali doonto marka ugu horreysa oo tallaalka cudurka laga fuliya deegaankeeda.