Bandhig lagu soo bandhigayey wax soo saarka timirta ee deegaannada Puntland, ayaa lagu qabtay magaalada Garowe. Waxaa ka qeybgalay inta badan beeraleyda gobollada ay timirtu ka baxdo ee Puntland, iyadoo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen wasaaradda beeraha, dalladda urrurrada bulshadda rayidka ah ee Puntland iyo beeraleyda.
Waxaa lagu sameeyay bandhig kooban oo wax soo saarka timirta ah, iyadoo ay beeraleydu sheegeen caqabadaha ay wajahaan oo ay biyaha, suuq la’aanta iyo maalgashi la’aantu kamid yihiin.
Weriyaha Raadiyo Ergo, Cabdlraxmaan Maxamed Xaaji, ayaa wareystay guddoomiye ku xigeenka iskaashatada guud ee beeraleyda Puntland, Axmed Maxamed Muumin. Wuxuu marka hore weydiiyey in uu noo faah faahiyo shirka iyo waxaa uu ku saabsan yahay.