Afey: “Qaxooti badan ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya”

0
58

Ergeyga hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR u qaabilsan, arrimaha dadka qaxootiga ee gobolka geeska Afrika, Maxamed Cabdi Afey oo u warramay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in qaxooti badan oo Soomaaliyeed ay dib ugu laabteen Soomaaliya.

Qaxootiga oo ka tagay xeryaha Dhadhaab, ayaa si iskood ah ugu laabtay dalkooda, taasoo qeyb ka ah qorshaha ay si iskood ah qaxootigu ugu laabanayaan Soomaaliya.

Heshiis is-faham oo dhigayey, dib u laabasho ikhtiyaari ah ayey dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR saxiixdeen 2013.

Haddaba, arrintan iyo booqasho uu maalintii Sabtida (November 24) madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ku tagay Dhadhaab ayaa weriyaheena Axmed-nuur Cabdullaahi Yogol uu ka wareystay Danjire Afey.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here