(ERGO) – Cabdullaahi Jaamac Qoor-gees, wuxuu beer lix hektar ah ku leeyahay deegaanka Biyo-macaan oo hoostaga degmada Arabsiyo oo qiyaastii 35 km u jirta magaalada Hargeysa. Muddo toddoba jeer oo isku xigta ayuu dalagyo beerta ka soo baxay oo isugu jira yaanyo iyo saladh iibiyey isagoo dhex-jooga beertiisa.
Waxaa u sahlaya in uu wax soo saarkiisa iibiya adeeg cusub oo taleefanka gacanta lagu isticmaalayo, oo lagu magacaabo M-Dalag, kaasoo November 13 laga daah-furay magaalada Hargeysa. Waa adeeg bilaash ah oo beeraleyda u fududeynaya la socodka qiimaha maalin laha ee ay dalagyada ka joogaan suuqyada Somaliland.
Cabdullaahi waxaa uu kamid yahay lixdan beeralay ah oo iska diiwaangeliyey adeeggan, laguna tijaabiyey. Wuxuu farriin cod ah ku duubay nambar gaaban oo adeeggu leeyahay, isagoo sheegay nooca khudaarta u soo go’day ee uu iibka u doonayo.
Wuxuu tilmaamay, in markaas kaddib uu M-Dalag weydiiyey qiimaha ay yaanyada iyo saladhka ka marayaan suuqyada, laguna xiray ganacsade doonayey in uu wax iibsado, kaasoo beertiisa ugu tagay Cabdullaahi, kana soo iibsaday dalaggii.
“Dhibtii aheyd in aan suuqa iska geeyo waan ka reystay. Haddii $20 igaga bixi jireen, si dalagyada suuq loogu helo hadda bishan waa ii faa’ido lacagtaasi”
Adeeggan cusub oo ay hindiseen shan dhallinyaro ah oo baratay culuumta beeraha, teknoolajiyada iyo dhaqaalaha oo ku mideysan shirkadda isku xirka beeralaeda iyo suuqa (SAMS), ayaa lagu soo bandhigay toddobaadka hal-abuurka ganacsiga, oo uu soo qaban-qaabiyey ururka Shaqodoon, kaasoo intii u dhexeysay 13-15 November lagu qabtay Hargeysa.
Feysal Ismaaciil Maxamed, oo guddoomiye u ah dhallinyaradan ayaa sheegay in faa’iidada kale ee uu adeegga M-Dalag leeyahay ay tahay in uu meesha ka saaraya khasaaraha ku yimaada khudaarta marka la geeyo suuqyada iyo cayayaanka baabi’iya abuurka beeraha.
“Habkan beeralaydu waxay iska diwaan-geliyaan nambarka 315 oo ay cod noogu duubayaan, halka ay joogaan, waxay iibinayaan ee ay beeraan iyo magacooda oo saddexan. Markaasi kaddib ayuu u shaqeynayaa oo ay isticmaali karaan. Qofku moobil kasta ayuu sidan karaa oo kuma xidhna moobilada casriga ah”,ayuu yiri Feysal.
Cabdullaahi Jaamac Qoor-gees, wuxuu ku faraxsan yahay hadda in uu si maalinle ah u soo gudbin karo xogta ku soo kororta beertiisa sida cayayaanka beeraha ku dhaca. Talooyin joogto ah oo uu beertiisa ku fasho ayuu ka helay adeegga oo aanay wax lacag ah kaga baxeyn.
M-Dalag oo deegaannada Somaliland oo dhan loogu talagalay, waxaa dhinaca dhaqaalaha ka taageerayo hay’adda Oxfam, halka wasaaradda qorsheynta Somaliland ay ka caawineysa soo gudbinta xogta qiimaha khudaarta ee suuqyada. Shirkadda Telesom ayaa iyaduna bixineysa adeegga xiriirka taleefannada la isticmaalayo.
Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo ah khabiir dhinaca beeraha ah, lana shaqeynayo adeegga M-Dalag, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in talooyin ay ku siiyaan beeraleyda in aanay beeran dalag isku mid ah, iyo in ay la yimaadaan abuur cusub oo horay aan deegaannadooda looga beerin si wax soo saar cusub loo helo.
“Beeraleydu waxay noo soo dirayaan waxay tabanayaan. Marka ay soo garaacaan nambarka gaaban, toos buu taleefankeyga ugu soo dhacayaa, kaddibna waxaan siinayaa talada ku habboon waxa ay ka cabanayaan”, ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi.