Wasiiru dowlaha waxbarashada dowladda federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo wareysi siiyey Raadiyo Ergo ayaa sheegay in kumannaan arday ah ay iska diiwaangeliyeen iskuulladii ay dhawaan dowladdu la wareegtay maamulkooda, iyagoo ka faa’iideysanaya waxbarashada ay dowladdu bixineysa.
Haddaba halka uu barnaamijkaas marayo, iyo sida dowladdu kor ugu qaadeysa nidaamka waxbarashada ayaan Fowsiya Cumar ay ka wareystay, wuxuuna marka ugu horreysa ka warramaya, iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta carruurta adduunka , qorshayaasha ay dowladdu dejisay si loo hormariyo waxbarashada carruurta Soomaaliyeed.