Labaatan haween ah oo lix bil gudahood ku soo celiyay ammaah loogu maalgeliyay ganacsiyadooda ayaa dhiirrigelin u noqday in toddobaadkii hore maalgelin cusub loo sameeyo tiro intaas ka badan. Haweenka lacagta la siiyay ayaa magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud uga shaqeysta ganacsiyo yaryar.
Haweenka dambe waxay tiradooda gaaraysaa 37 qof, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdinaasir Xaashi Cabdulle oo ah madaxa laanta Bankiga Amal ee Caabudwaaq. Wuxuu xusay in soo celinta lacagta ee haweenka ay muujisay inay u baahan yihiin gacan-qabad si ay wax-soo-saar fiican u sameeyaan.