Dadka ku nool magaalada Caabudwaaq iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo Xinlabi ay ka mid tahay ayay ganacsi hor leh ka helay isku furanka xudduudda u dhaxeysa waddamada Itoobiya iyo Soomaliya oo shan bil hadda ay si caadi ah dadku uga kala gooshayaan.
Cali Cabdi Aadan oo ka tirsan ganacsatada Caabudwaaq ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dad badan oo shaqo la’aan ahaa gaar ahaan dadka xoogsatada ah, dadka ay cusbadu u baxdo iyo kuwa ganacsiga leh ee uu isagu ku jiro ay faa’iido ku qabaan ganacsiga ka billowday xudduudda. Weriyaha Raadiyo Ergo Leyla Cabdi Maxamed ayaa wareysatay Cali.