Dhaqashada shinida oo ku sii kordhaysa gobolka Galgaduud

0
333

(ERGO) Cumar Daahir Cismaan oo 24 jir ah, horay wuxuu u ahaa xoolo dhaqato, wuxuuse hadda ka shaqeeyaa xanaanaynta shinida oo uu ka xoogsanayey todobadii bilood ee la soo dhaafay.

Wuxuu ka qataa lacag 300 oo dollar ah bishii taasoo u sahashay in qoyskiisii oo cayrtoobay uu u raro Guraceel. Wuxuu ka mid yahay Cumar 63 xoolo dhaqato ah oo hadda ka xoogsada beero shini oo sanadkaan ku sii kordhaya Galgaduud.

“Waxaan shaqadaan bilaabay bishii Maarso ee sanadkaan, barakac ayaan ku ahayn Lebile, wax aan cunno, hoy iyo nolol toona ma aanan haysan, hadda intaan shaqadaan bilaabay waan guursaday, Guraceel ayaan guri ka degey, qoyskii waalidkay oo 6 qof ka koobanna oo cayrtoobayna magaladaan guri uga kireeyey, waana biilaa” ayuu yiri Cumar.

Galgaduud oo ah gobol dadku ku tiirsan yihiin nolol ahaan dhaqashada xoolaha ayaa sanadkaan laga hir geliyey 10 beerood oo shiniya, taasoo fursad shaqo u noqotay xoolo dhaqatadii cayrtowday.

Cumar iyo qoyskiisu waxay deganayeen miyiga tuulada Labiley oo 20km dhinac koonfureed ka xigta degmada Guraceel, abaartii 2017 ayaana dhaafisay 200 oo neef oo ariya oo ay lahaayeen.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqsitii xoolaha ay in badan ka dhib yartahay shinidu, markii uu bilaabay uu la yaabanaa sida wax looga helayo, haddase uu la qabsaday uuna ogaaday wax soo saarkeeda.

Wuxuu sheegay in dhaqista shinidu ay meelo kala mid tahay xoolaha, sida xoolaha loo naq raaciyo iyadana loo naq raaciyo hadba meeshii roob ka ka da’o, iyadoo meelaha abaarta ah aysan shinida malab badan ku samayn karin.

Dadka beeraha shinida ka hir geliyey Galgaduud waxaa ka mid ah Cabdicasiis Daahir Maxamuud oo ah aas aasaha shirkadda malabka ee Aaran oo Dhuusamareb ku taala, jaamacadda Muqdisho ayuu horay uga bartay culuunta beeraha, wuxuuu bilaabay in uu dhaqado shinida 2017, isagoo maal gelin ku sameeyey 15 kun oo dollar oo ku taagay beertii shini ee ugu horaysay ee Galgaduud.

Hadda wuxuu leeyahay 7 beerood, midiiba waxaa yaal 60 sanduuq oo midkastaa boqorkiisa iyo shinidiisa leeyahay, iyadoo halkii beerba shan qof.

“Shinida waxaan ka keenay gobolka Hiiraan iyadoo sanduuqyo ku jirta, oo aan ka soo iibsaday beeralay iyaguna shinida dhaqda, waxaan rajaynayaa in aan gaarsiiyo boqolaal beerood oo gobolkoo dhan ku fidiyo” ayuu yiri Cabdicasiis.

“Shinida wax soo saarkeedu waa fiicanyahay sanadkii 7 ilaa 8 mar ayaa miiritaan lagu sameyaa oo malab laga soo saaraa, waxaa laga yabaa il 2 ilaa 3 bil in ay aysan waxba soo saarin sanadkoo dhan 3 ilaa 4 kun oo dollar oo faa’iido ah ayaanan ka helaa markii ay dhashaba” ayuu yiri Cabdicasiis.

“Halkii boqor marka uusan waxba soo saarin halkii boqor ugu yaraan 5 litir oo malab ah ayuu dhalaa” ayuu yiri Cabdicasiis.

Cabdicasiis ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in shaqo la,aanta dalka ka jirta ay ku dhalisay fikradan uu hadda ku shaqeysto, dadkalena uu shaqo ugu abuuray, wuxuuna aaminsan yahay in dadka jaamacadaha ka baxay ay fursado banan heystan oo ay iskood isku shaqaleysiin karaan, wax soo saarka dadkana muhiim u tahay.

Wuxuuna sheegay in todobada beerood ee shinida ahi ay hadda ku kala yaalaan Dhusamareeb, Ceeldheere iyo Guriceel oo kawada tirsan Galgaduud, waxaana kiiladii malabka ah laga siistaa beerta dhexdeeda 7 dollar.

Cabdi Daahir Cismaan waa qofkii ugu danbeyay ee hirgaliya nidaamka shini dhaqashada isaga iyo koox dhalinyaro reer miyiga iyo reer magaal ah ayaa maalgalin shirko ah oo 10,000 oo doolar ah ku sameyay, iyadoo halkii beerba ay taallo 60 boqortooyo oo shini ah.
“Sagaal bilood ka hor ayaan sanduuqii ugu horeeyey dhigeen Guraceel, waxaan arkay inay leedahay fursad dhaqaale iyo shaqo, runtiina waa shaqo ka fudud dhaqashada xoolaha, kana manafacaad badan” ayuu yiri Cabdi Daaahir.

Wuxuu intaas ku daray in 28 dhallinyaro shaqaale ah iyo 7 maamulayaal ah ay ka shaqeeyaan 7 beerood, shaqalahaas oo dhamaantood ah qoysaskii soo cayrtoobay oo iyana ay u noqotay shaqo abuur, qofkiina uu siiyo 200 oo dollar oo mushar ah bishii, iyadoo beertiiba saddex bilood kasta soo saarto 250 litir oo malab ah.

“Shaqaalaha hadda waxay qabtaan shaqo kala duwan, markii hore waxay ahayeen dadka iska shaqo la,aan, shaqaalaha waxaan ku qaataa in uu yahay qof karti leh oo ka bixi kara socodka dheer, tababarna waan siiyaa ku aadan habka shinida loo xanaaneeyo iyo sida malabka looga guro” ayuu yiri Cabdi Daahir.

Ka sokow dadka shaqada ka helay waxaa iyana wax soo saarka malabka faa’iido ka helay dadka ganacsatada ah oo iyagu beeraha shinida malabka ka iibsada siina biic geeya
Daa,uud Cabdilaahi oo ku nool Dhuusamareb, kana ganacsada malabka ayaa sheegay in ay horay uga keeni jireen malabka ay gobolka ku iibiyaan dalka Itoobiya, kaasoo ugu imaan jiray qiimo halkii litir 15 dollar, haddase ay shirkadaan kaga helaan kala bar lacag u dhiganta litirkii.

“Anniga shirkadaan ayaa malabka aan u baahnahay aan ka iibsanaa, annigoo u qaybiyo dukaamo magaalooyinka Galgaduud ka kala furan, kuwaasoo dadku ka sii iibsadaan, waxaanan ku siinaa 10 dollar litirkii” ayuu yiri Daa’uud.

Wuxuu sheegay in malabka ka soo baxaa badan yahay, wakhti kastana laga helo shirkada malab ay soo goysay, dadka culimada iyo kuwa kale ee daawo dhaqameedka wax ku daaweeya ee gobolka ayaana aaminsan in malabku uu daawo yahay, cunistiisana ay taasi dhiiri geliso.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here