Madaxa UNHCR ee Dhadhaab Jean Bosco ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in dad 10454 qof ay ku sugan yihiin xeryaha Dhadhaab kuwaasoo aan helin warqadihii aqoonsiga qaxootinimo, iyadoo 1800 oo dadkaan ka tirsan yihiin kuwii dib u noqday si iskood ah oo haddana dib ugu soo noqday xeryaha, halka inta kalana yihiin qaxooti cusub.
Dowladda Kenya 2016 ayey joojisay in qaxooti cusub laga diwaan geliyo gudaha dalkeeda, waana tan keentay dadkaan 2017 ilaa 2018 yimid xeryaha aysan helin warqadaha qaxootinimo, aqoonsi la’aanta qaxootinimo waxay u keentay inay wayaan xuquuqdii ilaalin ee qaxotigu heli lahaayeen.