Puntland: Caruur deeq waxbarasho laga siiyey canshuur Waaciye laga ururiyey

0
Keydka Ergo

Maamulka Waaciye ee gobolka Bari ee Puntland, ayaa waxbarasho bilaash ah ugu deeqay in ka badan 50 caruur ah oo kasoo jeeda qoysas ay xooluhu ku dhaafeen abaartii dhacday labo sano ka hor ee 2016-dii.

Waxbarashada oo usoo socotey carruurtan labadii sano ee ugu danbeysay ayey la qabsadeen, iyadoo haatan galisay caruurta iyo qoysaskoodaba yididiilo in mustaqbalka heer sare gaari karaan.

Waxbarashada ayaa degmadu bil walba waxey ku bixisaa ilaa US $2,000, oo ay si gaar ah uga qoondaysay canshuurta ay uruuriso.

Ardo Faarax Cali, waa 45 sano jir, waana mid kamid ah waalidiinta carruurta waxbarashada bilaashka ah la siiyey, waxey la dhacsan tahay in carruurteedu heleen waxbarasho bilaash ah, oo uu haatan mustaqbalkoodu ifayo.

Waxay dhashay Ardo sideed caruur ah, 150 neef oo adhi oo ay lahayd ayaa ka dhamaadey, markaas ayey usoo barakacday iyada iyo caruurteeda degmadda Waaciye.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in muddo ay nolosha la daalaa-dhacayeen, kadib inay maamulka degmaddu waxbarasho bilaash ah u siiyeen lix ka tirsan ah carruurteeda, oo ay saddex gabdho yihiin, kuwaasoo la siiyay waxbarashada deg deg ah iyo barashadda Qur’aanka.

Waxaa lagu daray iskuulka hoose/dhexe ee Waaciye, kuwaasoo ay dadoodu kala yihiin gabdhaha  5 sano illaa iyo 9 sano jir, halka wiilashuna yihiin 11 sano ilaa iyo 15 sano jir, fasalo kala duwan ayaa la fariisiyey.

Ardo iyada iyo odaygeeda waxey juhdi ku bixiyaan nolosha quutul daruuriga. Odaygu wuxuu ka shaqeeyaa dhagax jebinta, halka Ardana ay qudaar ku dhex iibiso degmadda.

Waxay sheegtay in qoyskeedu iftiin dareemayo aadna ugu faraxsan yihiin in carruurtoodu waxbarasho u heleen, oo culays badan oo dhaqaalaha ah ka haystay qoyskan, oo aan markii hore magaalada joogi jirin.

“Waxaa is bedelay hadda in dadkii ay reer magaal noqdeen, waxbarashadii bay fahmeen, dad islaam ah baa gacan qabtay, aad baan ugu dadaalaa carruurta, sidii ay iyagu iigu horumari lahaayeen maadama aan hantidaydii waayay, si ay magaalada ula qabsadaan oo iigu dhismaan.

Waqti badan baan ku bixiyaa, waayo waxbarashada waa u cusub tahay oo iyagu laftooda han bay u hayaan oo aad bay u ogol yihiin, waxoogaa waala qabsadeen, ” ayay tiri Ardo.

Iskuulada ay carruurtani kala dhigtaan ayaa ah dugsiga hoose/dhexe ee Waaciye iyo Alxamdullahi, oo ay wax ka bartaan kuwa yar yar ee dadoodu u dhaxeyso 7 sano jir illaa iyo 12 sano jir, machadyada Daarul-Madiina iyo Daaru Towfiiq waxaa wax ka barta 13 sano jir illaa iyo 16 sano jir.

Qoysaska qaarkood waxay usoo barakaceen degmada Waaciye xili ay carruurtoodu dadoodu yar tahay, sida Shukri Cabdi Hiirad oo xoolaheedii u dambeeyay oo 50 neef ahaa, ay kaga soo baaba’een deegaan daaqsimeedka Noobir ee gobolka Bari, oo ah dhulkii loo hayaamay dayrtii 2016kii.

Markii ay soo noqotayba waxay timid degmada, halkaas oo carruurteedu ku bilaabeen waxbarashada asaasiga ah. Waxaa hadda xanaanada hoose illaa iyo fasalka koowaad u dhigta laba gabdhood, iyo wiil kamid ah shanteeda carruurta ah, ee ay miyiga kala soo barakacday.

“Haddii wixii aan haystay oo dugsanaayay ay naga dhamaadeen, sidii aan ka badin waayay baan yeelay in aan degmadan kusoo barakacno, saddex ciyaal ah baa waxbarasho ii aada bilaash bayna ku dhigtaan. Haddana guri islaan ayeeyaday ah leedahay oo qol ah baan joognaa,” ayay tiri Shukri.

Maamulka degmada Waaciye, ayaa sheegtay in 500 oo qoys ay kasoo barakaceen abaarihii u dambeeyey,  dadkan qaarkood dib ayay ugu noqdeen miyiga, qaarna meelo kale ayay u guureen, lamana hayo tiradooda rasmiga ah.

Carruurtan lasiiyey deeqda waxbarasho ee ka soo jeeda qoysaska ay xooluhu dhaafeen ayaa iskuuladda galay 2017kii, welina waa ay dhigtaan. Maamulka degmadu waxay sheegeen in qoysaska ay carruurtaasi ka soo jeedaan ay ku mintidayaan haatan waxbarashadda.

Aggaasimaha arrimaha bulshadda Waaciye Axmed Salaad Nuur, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dowladda hoose ay waxbarashada carruurtan u wajahdo laba qaab oo ay kula macaamisho iskuulada.

“Mid waxaan samaynaa macalimiinta baan ka kabnaa dhanka mushaarka, si ardaydan wixii aan tabar lahayn ee soo qaxay ay waxbarasho bilaash ah u helaan, kuwana si toos ah baan carruurta lacagta uga bixinaa bil walba, labadaas qaab ayaan samaynaa,” ayuu yiri Nuur.

Agaasime Axmed Salaad oo ka hadlay arrinta nolosha qoysaskan ay carruurtoodu waxbaranayso, wuxuu sheegay in qoysaska miyiga kasoo barakacey qaarkood ay ku qasbanaadeen in ay ku dul noolaadaan eheladooda oo hore u deganaa degmada iyo tuulooyinka ku dhow.

Waxaa xusid mudan in qoysaska deegaankan kusoo barakacay ee aan noloshoodii miyiga dib ugu laaban ay wajahayaan nolol adag, maadaama aaney lahayn il dhaqaale tan iyo markii ay xooluhu dhaafeen.

Shukri Cabdi waxey Raadiyo Ergo u sheegtay in saygeedu uu dhagax jebinta ka shaqeeyo, isla markaana ay ka helaan sanadkiiba mar hay’daha cuntada bixiya kaalmo, sida WFP iyo DRC, inta kalena ay iyagu quutul-daruurigooda si adag kula soo baxaan.

“Anagu hadda dad micnaha meel biil uga soo dhaco ama dad wax qaata ma nihin. Waxaanu nahay dad nolol maalmeedkeeda maalintii odayga qoyska ka suga, isna waa dhagaxle qararkuu aadaa, dhagaxlena war baad u haysaan maalintii markuu lawr soo raro US$ 5 illaa iyo iyo US$10 ka badan ma keeni karo, sidaas baan u nool nahay,” ayay tiri Shukri.

Ardo iyo Shukri, oo kamid ah waalidiinta caruurta waxbarashada bilaashka ah la siiyey, waxey sheegeen inay ka go’an tahay inaaney dib u noqoneyn, oo ay ilmahoodda waxbarashadooda ku dadaalayaan.

Carruurta miyiga ku kora ayaan inta badan helin waxbarasho aasaasi ah, iyadoo ay dhici karto inuu hooseeyo wacyiga qoysaska ee ku wajahan in ay carruurtooda wax baraan, iyo inay liidato awoodda dhaqaale ee qoysaskaas, sidaas darteed waxay door bidaan in carruurtu ay hawl maalmeedka qoyska miyiga ka qeyb qaataan oo ay xoolaha raacaan.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here