Muqdisho: Kar-karinta caanaha xoolaha oo looga maarmay warshad la hirgeliyay

0
Gudaha warshadda/Sawir/Cali Muumin/Ergo

Qoysaska gata caanaha lo’da laga soo liso waxay si maalinle ah uga soo gataan suuqyada iyagoo kar-kariya caanaha maalintii labo jeer markay guryaha geeyaan.

Warshadda Irmaan oo Muqdisho laga hirgaliyay horraantii Maarso 2016-kii oo wax soo saar suuqa loo iib geeyo billowday maalmihii ugu horeeyay  February ee sanadkan ayaa qoysaskaan u suuro gelisay inay keydsadaan caanaha lo’da oo warshada la mariyay.

Waxay kaga duwan yihiin caanaha booraha iyo ku lo’da ee la kariyo inay warshada mareen, taas oo sahlaysa inaan maalmo isbeddelin.

Aamina Xasan Muuse oo carruurteeda siisata caanaha shirkadda Irmaan, waxay aaminsan tahay in caanahani ay ka wax dheef iyo nadaafadba badan yihiin kuwa suuqa lagu iibiyo, kuna hesho qiimo jaban, oo ay liitarkii ku gadato hal doolar iyo bar.

“Hadda aniga ilmahayga wax kale ma siiyo canugayga markuu lix bilood jiray ayaan caanahaas ku billaabay hadda hal sano ayuu ii jiraa. Aniga afar ama shan bari ayay ii yaallaan caanahan mana isbeddelaan, haddii aad sii ilaalisana maalmahaas ka badan ayay kuu oolli karaan,” ayay tiri Aamina

Muddo qarniyo ah, caanaha iyo hilibka ayaa ahaa cunnada ugu muhiimsan ee Soomaalida. Hase yeeshee labo arrimood ayaa caan ku ah suuqyada oo dadku in badan ay iibsadaan oo ah caanaha laga keeno dibadda ee booraha iyo caanaha geela.

Isbedelka hab-nololeedka gaar ahaan magaalooyinka iyo khibradaha shisheeye ayaa fursado u furaya ganacsatada in ay tijaabiyaan ganacsi cusub oo waddanku u baahan yahay, sida warshadaynta caanaha oo burburkii ay uga dambeysay Soomaaliya.

Labo boqol iyo soddon tukaan oo caanaha booraha lagu gadi jiray ayaa hadda caanaha warshadaysan doonta maalin walba, iyadoo dadka ku nool magaalada Muqdisho ay la qabsadeen isticmaalka caanaha taas oo sababtay in wax soo saarka warshaddu bato sida uu sheegayo Cabdulqaadir Maxamed Salaad maamulaha shirkadda Irmaan.

Warshadda oo ruqsad shaqo ka haysata wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya waxay kaga dayataa qaabka samaynta caanaha waddamada kaga horreeyay sida Kenya, waxaana intii ay jirtay laga hirgaliyay duleedka magaalada Muqdisho xeryo ay leeyhiin oo lagu xannaaneeyo 295 lo’ah, taas oo meesha ka saartay nidaamkii baadiyaha fog caanaha looga keeni jiray.

Horay waxaa caanaha looga soo qaadi jiray baadiyaha dameero, geel iyo gawaariba, waxaana furitaanka warshaddan ay sidoo kale fursad u ahayd dhallinyaro Soomaaliyeed oo shaqo ka helay, 22 qof Soomaali ah oo hadda ka howlgala warshadda, sida uu sheegay Cabdulqaadir.

Wuxuu xusay in wixii ka horreeyay sannadkaan ay soo saari jireen 250 liitar oo caano ah haddase ay si maalinle ah u soo saaran 3,000 ilaa 3,500 oo litar.

“Wax soo saar kayagu hadda waa uu ka duwan yahay sidii aan u maleynaynay, awal niyad-jab ayaan dareenay waayo dadku caanahan ma aysan isticmaali jirin haddase way la qabsadeen taas ayaa keentay in wax soo saarkeenu bato” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Waxaa la soo qaadaa caanaha iyadoo laga soo lisay xoolaha kaddibna waxaana marka lageeyo xarunta warshadda lagu shubaa weelal u diyaarsan in ay baceeyaan, iyagoo miisaaman Filter-na la sii mariyay si bad qabkoodu u sii jiro, loogana dhisgo kuwa keyd gali kara.

Waxaa intaa kaddib lagu ridaa qaboojiye u diyaarsan keydka, waa la kala qeybiyaa qeyb xarunta ayaa lagu iibiyaa, halka qeybna la geeyo dukaamada ay dadku ka iibsadaa oo macaamiil u ah warshadda.

Cabdulqaadir Maxamed Salaad wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in mustaqbalka dhow ay warshaddoodu hiigsanayso in dhammaan Soomaaliya ay ka kaafiyaan baahida caanaha.

“Warshadda Irmaan waxay hiigsanaysaa inay Soomaaliya kaga filnaato wax soo saarka caanaha lagana kaaftoomo caanaha dibadda laga keeno sida caano booraha oo aan aaminsanahay in ay tayo liitaan,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Warhaddan si ay u shaqo billowdo waxaa lagu maalgaliyey qiima dhan hal milliyan oo Dollar sida uu maamulaha Irmaan u sheegay Raadiyo Ergo.

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here