Haweenka ku nool deegaannada Puntland, ayaa dadaal weyn ugu jira sidii qoondo wanaagsan ay uga heli lahaayeen doorashada baarlamaanka ee Puntland. Dhinaca kalana ururrada u dooda arrimaha haweenka ayaa qeyb ka ah ololaha lagu dhiirrigelinayo ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda.
Weriyaha Raadiyo Ergo ee Buuhoodle Khadar Cawl Ismaaciil ayaa warbixintan ku eegayo dedaalka haweenka iyo kuwa ilaa hadda isa soo sharxay.