Dadka Wisil oo ka faa’iideystay mashruuc biyaha looga xiray dooxooyin daadad sababi jiray

0
Sawir/Keydka Ergo

Dadka ku nool xaafado ku yaalla galbeedka deegaanka Wisil ee gobolka Mudug, oo 60 km u jirta dagmada Hobyo ayaa xilli roobaadka waxay dhibaato kala kulmi jireen daadad ka soo rogmada saddex tog ama dooxo oo dhexmara deegaankaas, kuwaas oo ka barakicin jireen guryahooda, waxaana caqabaddaas bil ka hor meesha ka saaray xiritaanka meelihii biyuhu ka imaan jireen.

Xilliga Deyrta oo hadda lagu jiro, waxaa maamulka deegaanku sheegay inay tahay markii ugu horreysay 20 sano oo dadka deegaanku aanay ka barakicin guryahooda, sababo la xiriira daadad xilli roobaadka ku soo rogman jiray.

saddexdii bishii August ee sanadkan ayaa hay’adda Adeso oo ka shaqeysa horumarinta deegaanka ay ka billowday Wisil mashurrucan biyo looga xirayay deegaanka, wuxuuna soo gaba gaboobay 25-kii bishii hore September, taas oo meesha ka saartay cabsidii dadku qabeen ee ay guryahooda uga barakici jireen roob kasta.

Maxamed Axmed Faarax oo ah aabbaha qoys lix qof ah, wuxuu kamid yahay dadka deggan xaafaha biyaha looga barakici jiray, markii ugu horreysay ayuusan ka barakaceyn gurigiisa fulinta mashruuca kaddib.

Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in 22 maalmood uu ka maqnaa hoygiisa, islamarkaana ay dulsaar ku ahaayeen qoys kale oo deggan meel ka baxasan xaafadda, markii daadad soo rogmaday oo ka dhashay roobkii Gu’ga ay buux dhaafiyeen hoygiisa shan bil uun ka hor.

Dabayaaqadii bishii April ee sanadkaan 2018, 300 oo qoys ayaa ka barakacay guryahooda,  markii biyo badan ay kasoo rogmadeen togogga meelaha fog biyaha ka keena, sida Raadiyo Ergo uu u sheegay afhayeenka maamulka deegaanka Wisil Yoonis Abshir Daleel.

Xilli maqrib ah ayuu sheegay in daadku uu soo galay gurigiisa markaas oo caruurta iyo qaar kamid ah agabkii guriga yaallay, islamarkaana ay awoodi kareen in ay horay usii qaateen.

”Aniga gurigayga qeyb kamid ah ayay biyuhu dumiyeen, dib ugu maanan laaban ilaa intii biyuhu ka dhamaanayeen. Dadka barakacay waxay iskugu jireen qaar xaafadaha kale ee biyuhu aysan saamen la deggay dadkii ay ehelka ahaayeen ama caawin karay iyo qaar kale oo duleedyada magaalada deggay,” ayuu yiri.

Waxaa uu xusay in markii biyuhu gureen ama dhamaadeen uu dib u dhisay qeybtii biyuhu ka dumiyeen gurigiisa. waxaa ka gashay lacag dhan $430 oo uu dib ugu dayac-tiray guriga taas oo uu ka helay qoys ehelkiisa ah oo Gaalkacyo deggan.

Maxamed wuxuu kamid yahay dadka xoogsatada ah ee ka shaqeeya dhagax-jabinta halkaas oo nolol maalmeedka qoyskiisa uu ka soo saarto.

Inkastoo la soo maray afar sano oo roobabku ay ku yaraayeen ama meelaha qaar sida Wisil aysan ku hoorin, haddana dadka ku nool xaafadaha biyuhu geli jireen waxa ay ahaayeen kuwa mar kasta cabsi qabay sida uu sheegayo Maxamed.

“Waxaannu ahayn kuwa u nugul mar kasta roobka, markaanse rajo waen oo ah in roob kastoo yimaada aysan dhici doonin dhibaatooyinkii hore ayaan qabnaa. Meelihii halista ahaa ee biyuhu ay soo mari jireenna waa la xiray dhammaantood, walwalna hadda nama hayo xilligaan oo lagu jiro waqti roobaad”.

Yoonis Abshir Daleel ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in si xal loogu helo dhibaatooyinka ka dhasha daadadka roobabka Wisil ay ka maamul ahaan ay ka codsadeen hay’adda Adeso mashruucan, iyaduna ay sidaas ku aqbashay codsigooda.

Wuxuu sheegay in muddo labo bil ah uu socday barnaamijkan oo isugu jiray dhisme lagu sameeyay saddex meel oo biyuhu ay ka soo gali jireen magaalada, iyadoo lix war loo sameeyay meelaha ay biyuu ku noqonoyaan.

Intii uu mashrrucu socday waxaa shaqo ka helay 200 oo qof oo deegaanka deggan ah, kuwaasoo maalintii la siinayay $5.

“Markii aan dhisme ku xirnay halkii magaalada biyaha ay ka soo geli jireen waxaan samaynay inaan togogga u samayno kannaallo biyuhu ugu leexdaan waraha si ay uga faa’idaystaan dadka xoolo dhaqatada ah.”

Asli Geelle Diiriye waa hooyada qoys ka kooban 9 qof, bishii afaraad ee sanadkaan ayay ka barakacday hoygeeda oo ku yaalla dhul biyo mareen ah, nolosha qoyskeeda ayay ku maraysa dukaan ay ku iibso raashin, bagaash iyo dhar.

Asli oo roobkan aan ka barakacin xaafadda, waxaa daadkii roobka Gu’ga uu galay gurigeeda iyo dukaanka oo ku dhinac yaallay, taasi oo ku qasabtay in carruurta iyo qaar kamid ah raashinkii ay badbaado u raadiyaan. Waxay xustay in hanti u badnayd raashin ay khasaare ka soo gaartay biyaha. Lacag a ku qiyaastay $1,000 ayey sheegtay in ku weysay biyihii soo galay dukaankeeda.

“Marka horeba waan qabnay cabsida ah in biyaha roobka ka dhasha ay imaan karaan, xilligii aan ku jirnay qaban-qaabada hantida in aan meesha ka bixinno biyo badan ayaa dukaanka iyo xaafadda soo galay.  Roobka awooddiisu inta ay la’eg tahay ma ogaan kartid balse markasta feejignaan waan ku jirnay, waxa ugu badan ee khasaarada aan kala kulmay waa raashinka, waxaa uu iskugu jiray bur, bariis sonkor.”

Waxay sheegtay in qaar ka tirsan hantida u taallay baqaarka gawaari lagu raray kuwaas oo banaananka yaallay muddo ka badan 20 maalmood Waxay tilmaamtay in wali aysan ka soo kaban saameyntii hantideeda roobku uu ku yeeshay, oo lacag badan ayay kaga khasaartay.

Muddo 15 sano ah ayay ku soo jirtay ganacsigan, waxaana khasaarada soo gaartay ay sheegtay in ay dib ugu celisay halkii ay ka soo billowday, islamarkaana alaabtii dukaanka u taallay aysan wax badan uga badbaadin.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here