Bari: 140 beer oo uu ka baxay geedka garanwaaga oo dalagyadii aysan soo bixin

0
294
Beeraleyda oo jaraya geedka/Sawir/Cabdiraxmaan Xaaji/Ergo

(ERGO) – Asli Xirsi Maxamed oo lixdan jir ah, waxay ka mid tahay beeraleyda Isku-shuban. Waxay sanad ka hor bilowday soo gurista cawda iyo xaabada si ay nolosheedda u maarayso, taasoo ay ka hesho maalintii labo dollar ama wax ka yar.

Arrintan waxay ka dambaysay markii saddex beer oo ay ku lahayd  togga Isku-shuban dacalkiisa ayay ka qasaareen dalagdii ay beeratay oo geedka garanwaagu qabsaday labo ka mid ah beeraheeda sanadkii 2017, halka tii hartayna badideeda uu ku baxayo waqtigaan.

“Anigu  cawda iyo qoryahaan soo gurto waxaan cuno baa iga soo gala nolol maalmeedkaas. Awal beerta waxaa iga soo geli jiray sanadkii $3,000 oo dollar oo uusan raasulmaalkaygu ku jirin,” ayay tiri Asli.

Asli markii ay abaarta ka soo doogtay 2017 waxay sheegtay inay beeraheeda ku maal-gelisay 5 kun oo dollar oo abuur iyo jarista geedka ay uga baxday, inkastoo aanay waxba ka helin kaddib markii geedkii meel kasta dib uga soo dhashay isagoo ka fara badan.

Isku-shuban waxaa isugu yimaadda laba tog oo waa weyn, kuwaas oo biyaha ka soo qaada dhul aad uga durugsan, biyuhuna waxay kusii faafaan halka dhulka beeraha isku shuban ku yaalaan.

Xilliyada ay biyaha xoogga lihi ku soo noqdaan labada tog ee degmada oo biyaha ku wada shubaan halka ay beeruhu ku yaallaan ayuu geedkani si weyn ugu sii fidaa, markaas oo abuurkiisu uu meelo hor leh gaaro, sida uu sheegay guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda Isku – Shuban Maxamuud Faarax Muuse.

Maxamuud ayaa sheegay in sanadkaan 14 beerood looga guuray geedkaan dartiis, halka 32 beerood oo kalena looga guuray afartii sano ee ka horaysay. Beeralayda uu geedkani hanti dhaafiyay ayaa qaarkood shaqooyin kale sida ganacsiga ku biiray, qaarkoodna waxay ku soo dhaceen shaqo la’aan iyo inay nolosha la daalaa-dhacaan.

Isku shuban waxaa ku yaalla 240 beer, waxaana beeraleyda oo dhan ay ka cabanayaan dhibaatadda uu geedka Garan-waagu ku hayo beeraha dooxda togga Isku-shuban ku yaalla, kuwaas oo uu ku baxay 140 ka mid ah. Halka 45 beer beerna uu baabi’iyay.

Maxamuud Faarax Muuse oo muddo dheer soo ahaa gudoomiyaha iskaashatadda beeraha Isku-shuban ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in sanadkii 1986-dii ay dalagga hal geed oo garan-waa ah iyo mid kale oo cambo ah ay deegaanka keeneen niman Faransiis ah oo ka shaqaynayay mashruucii timirta ee degmada isla markaasna uu wixii ka dambeeyay deegaanka ku fiday.

Maxamuud qudhiisu wuxuu ka mid yahay dhibanayaasha, wuxuu sheegay in 20 kii sano ee ugu dambeeyay uu geedka oo sida kaymo oo kale ahi uu isku fidiyay ilaa 10 km oo dhulbeereed ah oo ku yaala Isku-shuban, beeralayduna aysan lahayn xirfadda iyo aqoontii ay wax uga qaban lahaayeen.

Wuxuu intaas ku daray in khatarta hadda jirtaa tahay in dhamaan beeraha Isku-shuban geedkaani qabsado, haddaan xal degdeg ah oo ku aadan sidii lagu joojin lahaa, laguna jari lahaa aan la helin.

Cabdikariin Huruuse oo bartay cilmiga deegaanka kana baxay jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe  oo aan wax ka weydiiyay arrimaha geedka garanwaaga iyo saamayntiisa ayaa sheegay in ay adag tahay in laga hortago geedkaas oo aan xitaa dhirta kale u ogolayn in ay ku dhinac nooladaan isagoo xididada dhulka ku qota ilaa lix mitir iyo wax ka badan.

Hadda waxaa socda dadaalo ay beeralaydu kula dirirayaan geedkan, wayna gubaan oo ka shidaan Xaabo, inkastoo uusan dadaalkaasi wax badan ka tari taranka garan-waagga ee sii fidaya beeraha Isku-shuban.

 

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here