Keydka Ergo

Daadad ka dhashay roobab xooggan oo 3-dii bishaan ka da’ay gobolka Sool ayaa xaaqay in ka badan 350 beerood oo khudaar ay ku beerneyd iyo 1,200 oo geed mirood isugu jira liin, babaay, seytuun, timir iyo canbe uu iyana jiridaha u siibay, waxaana ku barakacay 250 qoys oo beeralay ah sida uu Raadiyo Ergo u sheegay xoghayaha iskaashatada beeralayda Laascaanood Maxamed Cabdisalaam.

Wuxuu tilmaamay in beeraha uu khasaaraha gaaray ay ku yaallaan deegaannada Waqadari, Durudurka, Ooda-gooye iyo Dalyare  oo ku wada yaalla koonfurta Laascaanood. Wuxuu kaloo sheegay in 130 ceel oo beeraha laga waraabin jiray ay ku aasmeen, halka 210 matoor ay la tageen biyuhu.

Roobabka waxay da’ayeen 6 saacadood, beeraleyduna wax diyaar garow ah kama ay samayn, iyadoo gobolka abaarihii ka jiray labadii sano ee la soo dhaafay ay beeraleydu geed miroodkaan samata bixintiisa dhaqaale badan ku bixiyeen.

Cabdisamed Faarax Caano-geel wuxuu ka mid yahay beeraleyda degen Durdurka Laascaanood, 120 geed mirood oo liin, saytuun iyo timir u badnaa waxaa uga haray 43 geed, sidoo kale matoorkii beerta uu ku waraabsanayey iyo beer khudaar yaanyo iyo cagaar ugu beernaa ayay kala tageen biyaha, waxaana ka aasmay ceelkii uu ku waraabsan jiray beerta.

Cabdisamed oo aan kula kulmay isagoo dib u taagaya geed canbe ah oo ahaa kan keliya ee canbe beerta ugu yaallay, 18 sanana u beernaa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhirtii kale midna uusan ka arag, halka geedkaan canbaha ahna uu ka soo heley dhul 40 km beertiisa u jira, uuna gaari hadda ku soo qaaday.

“Hog ayaan u qaday, dib ayaanan u beeray, ma aqaan inuu bixi doono iyo in kale,” ayuu yiri Cabdisamed.

Wuxuu intaas ku daray in geedkaani muhiimad gaar ah u lahaa. Bishii Julaay ee sanadkaan oo ay ahayd markii uu miro ka gurtay ay uga soo go’day 1,500 oo xabo oo cambe ah lagana siistay $681.

“Beertan noloshayda oo dhan ayaa ku tiirsaneyd, khudaarta markaan kharashaadka iska bixiyo sanadkii waxaan ka helayay lacag ka badan $2,000, hadda waa ka fara maranahay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Cabdisamed waa 45 jir, 20 sano ayuu tacbanaayay beertaan, carruurtiisa oo ka kooban afar gabdhood iyo saddex wiil oo uu waxbarashada keligeed ka bixinayey $80 iyo guriga kiradiisa oo uu $100 ku bixiyo bishii uuna beerta ka helayay dhaqaalahaas.

Wuxuu sheegay in xilligii abaartii 2017-kii ay kaga baxday $1,500, siduu geed miroodkaan u samata bixin lahaa, isagoo booyado biyo uu kaga soo dhaamiyo gudaha Laascaanood ku waraabin jiray.

Beerahaan daadku qaaday waxay ku teedsan yihiin dhinacyada togga koonfurta magaalada mara, waxayna beeralaydu sheegeen in biyaha soo maray aysan horay badnaantooda iyo xooggooda toona u arag.

Maxamed wuxuu sheegay in muddo 25 sano ah ay beeraha halkan ka beernaayeen, arrintaan oo kalena ay soo martay dayrtii Elninada ahayd ee sanadkii 1997-kii, markaas oo biyahan oo kale togga soo mareen, laakiin khasaaruhu intaasi uu ka yaraa maadaama ay beeraha intaan ka yaraayeen.

Wuxuu intaas ku daray in biyihii toga buuxsamay ay dhul ilaa 15 km jira ay gaareen. Beeraleyada waxay rajo xumo ka muujinayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen khasaarahan soo gaaray.

Maxamed Cabdisalaam ayaana sheegay in qoysas ka badan 150 oo noloshoodu ku tiirsaneyd beeraha ay hadda fara maran yihiin, halka deegaanka Daryare 100 qoys oo beeraha dhex degganaa hadda ay barakac ku yihiin gudaha Laascaanood. Wuxuuna intaas ku daray inay qaadanayso wakhti inay dib u ga soo kabtaan khasaaraha gaaray.

Yuusuf Sheekh-doon Guutaale waa aabbe 60 jir dhalay 12 carruur ah, hadda wuxuu barakac ku yahay Laascaanood wuxuuna dulsaar ku yahay qoys ay qaraabo yihiin oo degan magaalada. Waxaa biyuhu kala tageen beer yaanyo hadda soo go’i rabtay, 25 geed oo saytuun ah iyo dhammaan agabkii beerta iyo gurigiisa oo beerta ku dhex yaalay.

Beertiisa oo  ku taalay  Waqdari muddo 8 sano ah ayuu beeranayey. Waxayna hadda beertii noqotay meel bannaan oo  ah boholo biyahu jeexeen,  wuxuu sheegay inuusan haysan wax dhaqaale ah oo uu dib ugu maal geliyo, wuxuuna hadda ka fekerayaa inuu ka guuro  beertii hore, uuna hadduu dhaqaale helo meel cusub diyaarsado.

“Hadda nolosha inaan eber ka billaabo oo dhismaha ama dhagax jebis u shaqo tago un baa xal ii ah, markii daadka imaanayey gurigayga beertuu ku dhexyaalay, carruurtii uun baan kala baxay, beer iyo guriba wixii dhex yaallay daadku wuu qaaday,” ayuu yiri Yuusuf.

Mashruuca maamulka dhulka iyo biyaha Soomaaliya ee SWALIM oo ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa saadaasheedii dhamaadkii Seebteemba ku sheegtay in roobabka dayrtu ay heerkoodii caadiga ahaa ka sarreyn doonaan, siiba gobollada Sool iyo Sanaag, iyadoo la filan karo daadad ka dhasha dhulka hoose ee togaggu maraan.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here