(ERGO) Guurka degdegga ah ayaa ka mid ah caqabadaha gabdho badan ka hortaagan inay waxbarashada sii wataan. Iskuulka Cabdalla Deerow ee magaalada Baydhabo oo keliya 19 gabdhood oo fasalka sideedaad, todobaad iyo lixaad ahaa ayaa sanadkaan uga tegey waxbarashada guurka dartiis.
“Gabdhaha hadda fasalka afraad ee dugsiga sare sanadkaan fadhiyaa waa 28, markii ay form one soo gelayeenna waxay ahaayeen 78, 50 kale ay guur ayey uga tageen”ayey tiri Xaawo Cabdillaahi Cali oo ah maamulaha Iskuulka.
Dugsiga Cabdalla Deerow oo lacag la’aan wax lagu barto, wuxuu gaar u yahay gabdhaha, haween ayaa maamula, macalimiinta u badan.
Xaawo ayaa sheegtay in waalidiinta ay gabdhaha ku khasbaan guurka, iyadoo ay sababtu tahay waalidka oo xeerinaya dhaqaalaha yar ee ninka gabadha soo doontay uu bixinayo, maadaama ay saboolnimo darani ka jirto magaalada, halka waalidna ay aaminsan yihiin in gabadha inay guursato ay uga muhiimsan tahay waxbarashada.
Xaawo waxay sheegtay inay hadda waalidiinta shirar la yeeshaan ayna isku dayaan inay ku qanciyaan in gabdhaha aysan kula degdegin guur, ayna ku taageeraan inay waxbarashada sii wataan.
Maamulaha Iskuulka ayaa sheegtay in si ay uga hortagaan in gabdhuhu uga tagaan iskuulka guur dartiis ay iskuulka ku diyaariyeen qol ay gabdhaha ku dhar bedeshaan, sidoo kale gabdhaha la guursado markay uur yeeshaan inay siiyaan fasax iyo macalimiin si gaar ah xiisadihii dhaafay ugu soo celiya. Intaanise aysan ku filnayn oo loo bahan yahay waalidiinta, culimada, maamulka iyo dugsiyada waxbarashadu si wada jir ah uga wada qayb qaataan.
50 laga guursaday gabdhaha fasalka afraad fadhiya sanadkaan waxaa waxbarashada sii watay laba gabdhood oo keliya, mid hadda fasax dhalmo ku maqan iyo Duniyo Aadan Maxamed oo 19 sano jir ah oo hadda nuujisa gabadh toddobo bil jirta.
Duniya waxaa la guursaday 2016 oo ay ahayd fasalka koowaad ee dugsiga sare,waxay bishii labaad ee sanadka dhashay ilmihii labaad intay dhiganaysay dugsiga sare, ilmihii hore wuxuu u dhashay bilowgii 2017 wuuna ka dhintay, muddo 3 bilood oo ay umul ahayd ayaa ay ka maqnayd fasalka.
“Annigoon war ka hayn ayaa la i yiri nin ayaa lagu siiyey, inkastoo aad uga naxay, haddana wax aan sameeyo oo kale ma jirin, qoyskaygana ma lumin karin, waanan aqblay” ayey tiri Duniyo
Waxay intaas ku dartay inay markii ay guri gashayba isku taxaluujisay inay waxbarasheeda aysan ka harin oo sii wadato, ninka guursaday oo macalin iskuul ahna uu isna gacan ku siiyey.
“Subaxii ayaan soo nuujiyaa, hooyaday ayaanan uga soo tagaa intaan masaasad caanaheed ugu diyaariyo, markaan ku noqda guriga 1 duhurnimo ayaan haddana nuujinta kale siiyaa, waanan wadayaa waxbaashadayda intaan ka gaarayo jamacad” ayey tiri Duniyo.
Iskuulkaan oo ka kooban 13 fasal oo 4 fasal yihiin dugsiga sare, sanad dugsiyeedkaan waxaa dugsiga hoose dhexe dhigta 1087 gabdhood oo gala labada gelin, halka 96 ay dhigtaan dugsiga sare.
Gabdhaha hadda dhigta fasalka afraad waxaa ka mid ah kuwo sheegaya in iyagu diideen guurkii qoysaskoodu u soo bandhigeen, waxanaa ka mid ah gabdhahaas Deeqa Axmed Yuusuf oo 18 jir ah, waxay sheegtay in tiro sedex jeer ay diidey guur dhanka qoyska kula taliyeen, iyadoo markaas u jeedkeeda ahaa in aysan ka kala go,in waxbarashadeeda.
“Waxaan aqaan 15 gabdhood oo aan isku fasal ahayn oo guur uga haray waxbarashadii, nolol fiican ma haystaan, tacliintoodiina ka hare” ayey tiri Deeqa
Waxay intas ku dartay gabdhaha haddii ay guur ka badbaadan ay markasta haystaan culayso guriga ah, loose baahan yahay in gabdhuhu aysan is dhiibin, waxay sheegtay in degan tahay xaafadda Onodka oo koonfurta Baydhabo ku taal, ayna ku qaadato 1 saac inay ku tiimaado iskuulka, subax kastana ka soo daahdo xiisadda hore, taasoo ay ugu wacan tahay shaqada guriga oo ay subaxa hore soo qabato.