Wikipedia waa bogga online-ka ah ee ugu weyn adduunka ee lagu keydiyo xogta iyo macluumaadyada kala duwan. Laakiin waxaa bogga ka dhex jirta isku-dheelli-tirnaan la’aan, sida guud ahaan dunidaba ay uga jirto: Sagaashan boqolkiiba kuwa uu macluumaadkooda ku jiro waa rag, iyadoo qoraallada dumarka ku saabsan ay afar laab ka badan yihiin kuwa ragga. Waxaan rabnaa inaan gacan ka geysanno wax ka beddelka arrintan.
Waxaan 8-dii Maarso daah-furnay sooyaallo taxane ah oo laga qoray haween Soomaaliyeed. Hadda waxaan dooneynaa inaan sii ballaarinno oo wax badan aan ka qorno sooyaalka haweenka isbeddellada la taaban karo ku sameeyay dhinacyada nolosha Soomaalida oo dhan. Fadlan noo soo jeedi haweeneyda ay kula tahay in taariikhdeeda lagu qoro Wikipedia. Tee baad waxqabadkeeda awgeed jeclaan lahayd inaad wax badan nolosheeda ka sii ogaato? Fadlan buuxi foomka hoose ama aragtidaada noogu soo dir open4youth@gmail.com ilaa koowda Oktoobar 2018.