Mudug: Dad lagu eedeeyay dhir jaris ay sameeyeen oo lagu xiray Gaalkacyo

0

– ERGO) – Afar iyo labaatan qof ayaa lagu xiray xabsiga magaalada Gaalkacyo kaddib markii ay jabiyeen xeer ay soo saareen odayaasha iyo culimada 13 deegaan oo ku yaalla galbeedka gobolka Mudug kaas oo dhigayay in wax geed ah aan laga jari karin deegaanadaas sida Raadiyo Ergo uu u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi oo ka mid ah guddi loo sameeyay dhaqan-gelinta xeerkaas.

Xeerka ayaa dhigaya in qofka lagu helo inuu jaray ugu yaraan 4 geed oo ah kuwa waaweyn sida quraca maraaga iyo higlayga kuwaasi oo harsiimo u leh dadka iyo duunyada uu muteysan doono hal sano oo xarig ah.

Guddi ka kooban 25 xubnood oo ka kala jooga tuulooyinka Laan-waaley, Gowlalle, Saax-wanaag, Buullaaley, Xasasaalle, Cayaar-weyn, Qoorosayn iyo Dagaari ayaa loo xil saaray ka shaqeynta sidii dadka dhirta jara ee dhuxuleeya loo soo qaban lahaa. Waxay sidoo kale burburiyeen toddobo goobood oo ah meelaha dhuxusha lagu shido, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geeddi oo madax u ah guddigaas.

Wuxuu sheegay in ciidamada nabad galyada ay kala shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa cidda ka amar qaadan waysa. Waxay sameeyaan howgallo lagu ogaannayo in si dhuumaaleysi ah dhirta lagu jiro, iyadoo dadka deegaannaduna ay ku wargeliyaan haddii ay arkaan cid dhir jaris wadda.

Cabdiraxmmaan ayaa intaas ku daray in qofka lagu soo qabto isagoo dhir jaraya ay marka u horreysa guddiga siiyaan digniin iyagoo u sheego inuu ka tanaasulo howshaas, waxay sidoo kale ku wacyi geliyaan in nolosha dadka iyo xoolaha ay ku xiran tahay dhirta, iyaga oo xasuusiya in uu jiro xeer lagu mamnuucay dhir jarista oo laga hirgeliyay deegaanka.

Wuxuu xusay in qofka marka intaas loo sheego, haddii lagu helo mar labaad isagoo dhir gubaya ama jaraya la xiro. Ma jirto wax dhibaato ah oo ay kala kulmaan marka ay dadka xirayaan. Odayaasha deegaanada galbeedka mudug ayaa sheegay in iyagu ay soogaraan xukunka xabsi ee qofka falka dhirjarid lagu helo uu marayo dabadeedna ay ugudbiyaan xabisga gaalkacyo

Dadka oo noloshooda kasoo saaran jiray ayuu sheegay Cabdiraxmaan inay ku dhiirri galiyeen in ay shaqo kale oo xoogsi ah ay raadsadaan. waxaa jira 50 qof oo dadkaas ka tirsan oo ay lacag u dhaafiyeen qalabkii ay geedaha ku jari jireen sida faasaskii gudimihii iyo agabkii kale ee ay u adeegsan jireen jarida dhirta markii ay ka tanaasuleen falkii ay sameyn jireen.

Shan sano oo abaaro ay soo jireen waxaa galbeedka Mudug ka soconayay dhirta la dhuxuleeyo, laakiin xaalku waxba iskama baddelin xataa markii uu roobkii Gu’ga day. Xilligaas ayay dadka deegaannadaas go’aansadeen in la lala dagaallamo dadka dhirta gubo.

Saciid Mire Jimcaale oo ka mid ah wax garadka isku xil saaray arrintaan, ayaa Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay ay aad u yaraadeen dadka jara dhirta ee deegaannada galbeedka Mudug, taasna ay ugu wacan tahay go’aanka bulshada deegaanku ay ku gaareen in aan deegannadooda dhir danbe aan laga jarin.

Maxamed Faarax Cali oo miyiga deegaanka Saax-wanaag ku dhaqdaa 80 neef oo ari ah, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in marar badan ay dhacday in geedka uu maalin isaga iyo xoolihiisu harsadaan in maalinta xigta uu la kulmi jiray isaga oo la jaray, taasi oo uu sheegay in dhibaato ay ku ahayd isaga iyo xoolo-dhaqatada kale ee deegaanka. Dhowrkii bil ee la soo dhaafay Maxamed wuxuu sheegay inuusan arkin dhibaatadii xaalufka ee dhirta lagu hayay.

Wuxuu xusay in inkastoo jilaala jiro haddana ay jarista dhira ay meesha ka baxday isbeddel waynna laga dareemay deegaankooda.

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here