Qoysas ka barakacay Tukaraq oo dib ugu noqday guryahoodii

0
328

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo tan iyo horraantii sanadkan 2018 waxaa ka jiray ay dagaallo ka barakaciyeen qoysaskii deggannaa waxaa saddex toddobaad ee u dambeysay caadi ku soo noqday dhaqdhaqaaqii iyo noloshii dadweynaha sida ganacsiyadii iyo goobihii waxbarashada oo dib loo furay.
Inkastoo aanan wali xal rasmi ah laga gaarin dagaalladii ka dhacay Tukaraq ee u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland haddana ilaa 2,500 oo qoys oo horay deegaanka uga barakacay ayaa dib ugu soo laabtayn Tukaraq horraantii bishan, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey duqa Tukaraq Cabdiraxmaan Xasan Ducaale.
Waxay qoysaskan qaarkood muddo 8 bilood ah ku noolaayeen deegaanno ay kamid yihiin Boocame, Laascaanood, Carooley iyo deegaanno miyi ah oo ku dhow Tukaraq, degaanka kursudubalay waxayna ka barakaceen colaadda tan iyo bishii January ka jirtay Tukaraq waxaa xiligan kusoo beegay soo laabashadooda ayay u sababeeyeen deegaanka oo xabadi ka dhacayn laakiin weli ay jirto cabsidii una adkaysan kari waayeen dhulkii ay ku barakaceen nolosha ka jirtay
Wixii ka dambeysay soo laabashada qoysaskan waxaa dib u billowday ganacsigii Tukaraq, dhammaan mehradaha iyo goobaha lagu iibiyo raashinka, maqaayadaha iyo suuqyada magaalada ayaa la wada furay,
ganacsataduna caadi ayey u shaqeysanayaan. Waxaa iyadana laba toddobaad ka hor dib loo furay dugsiyada waxbarashada oo tan iyo January xirnaa.
Soo laabashada qoysaskan iyo nolosha dib u billaabatay waxay timid, iyadoo wali aan si rasmi ah xal looga gaarin khilaafka Tukaraq, ciidamadii dagaallamayna ay is-horfadhiyaan, hase yeeshee dadka dib ugu soo laabtay Tukaraq waxay Raadiyo Ergo u sheegeen in ay nolosha tuulooyinkii ay ku barakaceen ay ku adkaatay, sidaas daraateedna ay go’aansadeen in ay deegaankooda ku soo laabtaan maadaamaa aysan hadda xabbad socon.
Fartuun Maxamuud Cali oo kamid ah haweenka qoysaska dib ugu laabtay Tukaraq waa hooyada 7 carruur ah. Waxay markii ay timidba ay dib u furtay maqaayad kuwa cuntada lagu iibiyo oo dagaalladii ku xirmay, waxayna dib ugu shaqo billowday maqaayadeeda raashin ay ka soo deynsatay bakahaarrada cunnooyinka jumlada lagu iibiyo.
4 ka tirsan carruurteeda oo dhiganayay iskuulka hoose/dhexe ee Tukaraq ayaa muddo bilood ah kaddib waxbarashadoodii dib ugu laabtay. Nolosha guud ahaan qoyskeeda ayaa maqaayada ku tiirsan waxayna ka heshaa nolosha saddex-da wakhti laakiin waxay tilmaamtay inaysan hada wax faa’iido ah oo ay dhigato ka helin.
“Al-xamdullilaah, hadda waan shaqeysanayaa, suuqa maqaayadda ma xumo, maalintii quraac, qado iyo cashaba waan kariyaa. Cabsi way jirtaa, laakiin hadda nolosha waa caadi. Carruurtii iskuulka ayaan ku celiyey. Waxaan Illaahay ka baryeynaa in uu dagaal dambe nagu soo celin”’
Faadumo iyo qoyskeeda waxay muddo 5 bilood ah ku noolaayeen deegaanka Kursu-dubalay oo 18 km galbeed ka xiga Tukaraq. Deegaankaas ayey sheegtay in ay ku qabsatay dhibaato dhanka nolosha ah sida hoy la’aan, biyo la’aan,gaajo cabsi mararka qaarna caruurta ugu baqday inay baahi ugu dhintaan taasoo ay usii dheertahay waraabaha oo habeenkii soo weerari jiray
Inkastoo si dhab ah aan loo heyn tirada guud ee dadka deggannaa markii hore Tukarq ee ka barakacay, haddana mas’uuuliyiinta deegaanka waxay tirada guud ku sheegaan 3000 in ay gaareysa, kuwaasoo isugu jira dadkii deegaanka ee muddada deganaa magaalada iyo kuwa xoolo dhaqata ahaa ee abaarihii gobolka Sool ku ceyrtoobay oo labadii sano ee u dambeysay soo degay Tukaraq.
Cid kamid ah dadkaas oo hadda ku soo noqday magaalada ma jira, sida uu sheegay duqa deegaanka cismaan xasan xoola dhaqatadii degenayd deegaanka tukaraq ayaa weli halkaasi kusoo laaban dooxooyinkii xooluhu daaqi jireen waxaa degen ciidamo waxayna ku sugan yihiin xoola dhaqatadaasi deegaano ay kamid yihiin gabadhe,saaxo gaba-gabo iyo buurawadal
“Keliya hadda noloshii caadi bay u egtahay in ay ku noqotay. Dadku tartiib-tartiib ayey magaalada u imanayeen waayo haddee iminka cid dagaallameysa ma jirta. Inta yar maqan waxaan rajeyneynaa in ay iyaguna soo noqdaan, magaaladaana dagaal dambe uma rabno”.
Afar dugsi hoose/dhexe oo ku yaalla Tukaraq iyo deegaanno hoos yimaada sida Higlada, God-qaboobe,iyo Faleedh-yaale ayaa iyaguna si rasmi ah dib loo furmay. 800 oo arday oo kamid ah 1000 arday oo intii aysan colaadda dhicin dhigan jiray iskuulladan ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay soo xaadiray fasallada.
Waxbarashada ayaa caadi u socota, maalin kastana ardardayda way yimaadaan, iyagoo qaata xiisadaha kala duwan ee ay dugsiyada bixiyaan.
Maamulaha dugsiga hoose/dhexe ee Tukaraq oo ah kan ugu weyn magaalada, Maxamed Feysal Muuse ayaa u sheegay Raadiyo Ergo in 470 oo kamid ah 600 o arday ay iskuulkooda soo xaadirtay, taasoo uu ku tilmaamay calaamad muujineyso in dadkii deegaanka oo dhan ay soo wada noqdeen intooda badan.
“Iskuullada oo furan oo caadi loo dhiganaya oo aan imtixaankii sugeyno ayey dagaalladii dhaceen, sidaasna waxaa ku baaqday imtixaanaadkii oo aan sanadkan la gelin. Hadda waxbarashada caadi ayey u socotaa, waxaan rabnaa in marka aan imtixaankii dib u qaadno dhawaan marka ay ardaydu xoogaa casharrada qaataan”Cabdiraxmaan maxamed wuxuu kamid yahay ganacsatada Tukaraq wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in meheradihii dib loo furay dadkii magaalada degenaana badi kusoo laabteen
“Waxaan kamid ahay dadka ganacsiga ku lahaa waxaan ku haystay dukaan booshari ah. Hadda dib baan u furay dukaankii, waxaan iibiyaa alaabada bagaashka sida qudaarta. Gacansiga caadi buu u socdaa oo waa la wada furay. Rajadeenuna in uu sii socda ayey tahay oo nolosha ay ku soo noqota sidii ay ahaan jirtay”
Muddo 7 bilood ah halkan kamay jirin wax ganacsiga ah iyo nolol kale waxay noqotay xero ciidan dadkii degenaa markii ay qaxeen meheradii waa xidhay intii waxaa igu socotay qarash sida kiro laakiin hada suuqu wuu fiican yahay haday ugu yaraato wixii qofka meherada leh wuxuu ka helayaa wuxuu ku noolaal lahaa marka laga yimaado faa’iidooyinka dadkii barakacay waxaa rijay inay hay’adda gargaarka ka helayeen raashin sida WFP oo kale
Dadka kusoo laabtay tukaraq waxay kuu sheegayaan inay hubanti la’aan tahay inay sii degenaadaan halkaasi oo dagaal ka dhici karro maadaama ciidamadii is hor fadhiyaan mararka qaarna ay maqlayaan sanqadha saraar aroortii hore

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here