Dad ku go’doonsan degmada Balcad oo cunno yaraan iyo caafimaad darro haysato

0
263
Sawirrada keydka Ergo

Saddex kun afartan iyo kow qoys ayay xaalad adag oo dhanka nolosha ah ku haysataa tuulooyin ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Muddo afar bil ah ayay dadkaan go’doonsan yihiin, mana haystaan cunto ku filan iyo adeeg caafimaad toona, sidaas waxaa Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay qaar ka tirsan dadka tuulooyinkaas oo aan la hadalnay.

Dhibaatada haysata dadkaan waxaa sababay fatahaad uu sameeyay kanaal maro dhanka bari ee tuulooyinkaas, kaas oo qararka jabsaday marki uu buux dhaafay. Dadku waxay sheegeen in biyaha aysan dhulka ka qallalin, taasna ay sabab u tahay kanaalka oo aan waqtigaan celi karin biyaha uu ka soo qaado webiga, oo uu dhinac ka dumay.

Tuulooyinkaas waxaa ka jiro cunto yaraan iyo caafimaad-darro ka dhalatay biyaha oo weli jiifa dhulka iyo dhaqaale la’aan u saamixi waysay dadka badankood inay ka baxaan meelaha ay joogaan, maaddaama gaari uusan jirin, lacagta doonyaha lagu raacana ay badan tahay.

Dadkaas waxaa ka mid ah qoyska Xaawo Muuse Maxamed oo 9 qof ah kuna nool tuulada Damalley oo Balcad u jirta 24 km. Hal waqti ayay 24-kii saacba wax karsadaan, waxay ku nool yihiin kalluun dabasho iyo raashin ay mararka qaar ku caawiyaan dad eheladooda ah.

“Subaxdi siduu waaga u beryo hal mar baa wax la kasadaa, quraacna way tahay cashana way tahay. Mallaay baa la dabtaa, marka suuqa la geeyo shan saac oo kale baa laga imaadaa, badar baan ku soo beegannaa, cambuulo iyo digir baan karsanaa. Wax la shinsanaayo oo guriga lagala soo baxaayo ma laha, oo wixi aan tacbannay oo dhan baa naga halaagmay.”

Waxay Raadiyo Ergo u sheegay in aysan xataa haysanin qalabka lagu soo dabto kalluunka, oo ay ka qaataan dadka deriska la ah.

Cunno yaraanta waxaa usii dheer cudurro ay mallaariya iyo xanuunnada maqaarka ka mid yihiin oo ka dhashay biyo weli jiifa qeybo tuulada ka mid ah. Labo carruurteeda ka tirsan oo 8 jir iyo 10 jir kala ah waxaa hayo xasaasiyad ay ka qaadeen biyaha oo ay ku dabaasheen. Saddex toddobaad ayuu kor cun-cunkaas hayaa, sida ay Xaawo tilmaantay.

Waxay xustay in odaygeeda oo 80 jir ah iyo carruurta kale qaarkood ay ku dhacday duumo, laakiin wax dawo ah lama siinin oo qoyska dhaqaale ahaan uma saamixin inay carruurta u qaadaan xarun caafimaad, oo ay ugu sokeyso Balcad, sidoo kale duruufta dhaqaale la’aanta uma saamixin inay ka guurto tuulada.

Xaawo qoyskeeda wuxuu ahaa beeraley, waxayna qudaar iyo dalagyo kale ku tacban jireen beer 7 hektar ah oo ay tacab ugu dambeysay bishii Juun ee sanadkaan, xilligaas oo ay saameysay fatahaad uu sameeyay kanaal biyaha ka soo qaada webiga Shabeelle.

Shaami Xasan Maxamuud, oo ku nool tuulada Far-baraki oo Balcad u jirta 26 km, wuxuu ka mid yahay dadka go’doonsan ee aan haysan cunno ku filan. Wuxuu Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay inuusan qoyskiisu haysanin wax keyd raashin ah, ayna ku nool yihiin dad ehel ah oo mararka qaar ku caawiya lacago ay raashin ku iibsadaan.

Wuxuu intaas ku daray inuusan awoodin inuu ka guuro Far-baraki, oo lacagta doonta lagu raaco uusan iska bixin karin. Shaami waa 60 jir qoyskiisu ka kooban yahay 18 qof, mana laha xirfad uu ku shaqeysto. Wuxu tilmaamay noloshooda ku tiirsaneyd beer 73 saac (24 hektar) ah oo ay ku beeran jireen galley, digir, sisin iyo qudaar.

“Tabar kaa bixiso haddaad hesho waad ka bixi kartaa, haddaad waysana meeshaadaad ku xayirnaaneysaa. Inaan baxo waan rabaa inta uu dad meesha iiga dhiman lahaa, dantaa nagu kallifeyso oo ma hureyso. Xamar ama Balcad baan iska aadi lahaa haddaan doon helo, wax kaloo lagu baxo oo aan doon ahayna malaha,” Ayuu yiri Shaami.

Gaadiidka tuuladaas looga bixi karo ama lagu soo gali karo waa doon, mana sahlana in dadku ay helaan xilli kasta. Doontaas laga raaco Far-baraki waxaa lagu kireeyaa 2 milyan iyo 400 oo kun oo Shilin Soomaali ah oo u dhiganta $100, waxaa lagu tagaa tuulada Mukay-dheere oo u jirta 5 km, halkaas oo dadka ay ka raacaan baabuur ay ku aadaan degmada Balcad.

Dadka aan wareysannay ayaa noo sheegay in biyaha webiga uu jooggoodu sarreeyo oo ay soo kordhayeen toddobaadkaan, ayna sidoo kale idaacado maxalli ka dhegeysteen inay suuragal tahay inuu fatahaad sameeyo webiga, taas oo ku abuurtay cabsi ah in xaaladdooda ay ka sii darto.

Hay’adda maamulka biyaha iyo dhulka Soomaaliya ee SWALIM oo ka tirsan hay’adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegtay in roobab mahiigaan ah oo xilligaan ka da’aya dhulka sare ee Itoobiya ay keeneen in heerarka biyaha webiga Shabeelle kor u kacaan.

Hay’adda waxay saadaalisaa in dayrtan la filayo roobab ka badan heerarkoodii, iyadoo ay jiraan meelo badan oo webiga shabeelle qararkiisa ah oo furan, meelahaas oo keeni kara fatahaad.

Pro. Muuse Shaaciye oo la taliye dhinaca fatahaadaha iyo heerarka webiyada u ah hay’adda (SWALIM) oo u warramay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in guud meelaha uu webiga Shabeelle ka maro gudaha Soomaaliya ay ilaa 50 goobood xilligan furan yihiin, inta ugu badanna ay ku yaallaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha arrimaha bulshada degmada Balcad Axmed Sheekh Xuseen ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay dadka deggan meelaha ka ag dhow qararka webiga ay kula taliyeen inay ka fogaadaan, si haddii uu webigu biyo soo fataho aysan waxyeello u soo gaarin.

“Matoorradii iyo wax kastoo ka ag dhow webiga in laga soo fogeeyo ayay hadda mareysaa, cabsidana aad bay u xooggan tahay. Olole joogto ahna waan wadnaa si bulshada ay mar walba diyaar ugu ahaato haddii fatahaad ay dhacdo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Tuulooyinka waqooyiga Balcad ku yaalla waxay isu jiraan 2 ilaa 7 km, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Axmed.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here