Hargeysa: Carruur nafaqa darro ugu geeriyooday Balimataan

0
210

Saddex carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso laba ilaa saddex sano jir ayaa nafaqo darro ugu geeriyooday xarunta xanaanada hooyada iyo dhallaanka ee ku taalla degmada Balli-mataan oo Hargeysa koonfur kaga beegan 82KM. Carruurtan waxay kamid yihiin ilaa 300 oo carruur da’doodu ka yar tahay shan sano oo MCH diiwaangeliyey muddo bil ah gudaheeda, kuwaasoo laga helay in ay nafaqo darro qabaan. Sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyey Khaalid Cabdi Yuusuf oo ah madaxa MHC degmada.

Dr Khaalid ayaa sheegay in 30 carruur ay haatan u jiifa nafaqo daro. Waxaa uu intaas ku daray in 12 kale oo carruur ah oo ay heysa nafaqo darro nooca daran loo gudbiyay cisbitaalka guud ee Hargeysa 7 ilaa 12 bishan.

Carruurtaan nafaqa daradu hayso ee MCHka jiifa ayaa la siinayaa buskudka nafaqo darrada dhexe lagula tacaalo iyo boorash. Tirada caruurta loo keenayo xarunta nafaqo darrada ayaa sii kordheysa iyadoo maanta oo kaliya laga diwaan galiyay siddeed iyo toban carruur ah.

Khaalid Cabdi Yuusuf, madaxa xarunta caafimaadka ee degmada Ballimataan ayaa sheegay in carruurtaan qabta nafqa darada laga keenayo xero barakaca oo ku taala degmada Ballimataan.

“Ilmihii oo miisaankiisu is dhimay oo barar keenay ayey keenayaan haweenku, waxaa xiligan keenay nafaqo darada xerada oo cuno yaraani ka jirto ilmihii cuno nafaqo leh cuni maayo”ayuu yidhi dhakhtar Khaalid.

Faadumo Iimaan waa hooyo 50 jir ah ah, shan carruur ah oo ay saddex iyada dhashay, labana ay ayeeyo u tahay ayey keentay MCHka Ballimataan Arbacadii todobaadkan.

Itaalyari, indhaha oo gotay iyo barar ayay ku aragtay carruurta, koox wasaarada caafimaadka Somaliland oo xeryaha kormeer ku sameeya oo xerada ku booqday ayaa kula taliyay inay xarunta geyso carruurteeda si loo daweeyo.

“Cuno yaraan ayaa nagu dhacday oo hal wakhti ayaan u kariyaa markaan is idhaahdo iima cunayaan, gurigii kama baxayaan oo way wada jiifaan awood ay ku kacayeen ayaanay laheyn,”ayay tidhi Faadumo.

Ergo ayay u sheegtay in raashinka ay hadba kusoo iibsato lacago ay usoo diraan qaraabadeeda ku nool magaalada Hargeysa.
Faadumo waxay kamid tahay xeradan deggan tahay muddo sanad iyo lix bilood ah, waxayna kamid tahay 2000 oo qoys oo ku nool xerada.
Waxaa qoysaskan raashin gargaar ah siin jirtay haayada Alkhayriya, laakiin gargaarkaas ayaa istaagay muddo hadda laga joogo lix bilood sida uu noo sheegay Aadan Cabdilaahi Muxumed Guddoomiyaha Degmada Ballimataan.

Haayadu waxaa ay u sheegtay barakacayaasha in wakhtigii ay xerada ka shaqeynaysa ka dhamaaday, hadda qoyskeedu waxaa ay ku noolyihiin lacagaha amma raashinka ay usoo diraan dadka ay qaraabada yihiin eek u nool Hargeysa iyo Ballimataan.
Qoysaska xeradan deggan waa dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee abaarihii labadii sano ee u dambeysay ka dhacay deegaannada Somaliland ku ceyrtoobay kuwaasi oo ka yimid deegaano xuduudka Itoobiya ah iyo baadiyaha Gobolka Hawd ee Koonfurta Somaliland.

“Biyo la’aan iyo nolol kasta oo adag ayaa nagu soo martay halkan ilaahay ayaa wax bixiya ee kuwana way iska bogsan annaguna halkaasi ayaanu alle iskaga sugo meel aanu u naqaano ma naqaano, MCH Buskud iyo Boorash ayaa nagula siinayaa si nafaqada caruurta loosoo celiyo”ayay tidhi Faadumo.

Caasha Cabdi Nuur Gabadh yar oo laba jir oo ay dhashey ayaa shanti maalmood ee u dambeeyay u jiifta nafaqo daro, ergo ayay u sheegtay in cuno la’aan ku haysata xerada ay ku keentay inay hoos u dhaco miisaanka gabadheeda yar.

Hadda waxaa ay qaadanaysaa buskud iyo caano lagu soo celinayo nafaqada. “laba maalmood Ayaan halkan ku jiraa markii ay soo dhaami wayday ee ay taransi yeelan wayday Ayaan keenay xarunta hadda waxaad mooda inay sidii aan ku keenay soo dhaameyso”
Waa hooyada lix caruur ah oo xerada ku nool muddo sanad ah waxay ka cabsi qabtaa in caruurta kale ay nafaqo daro iyo shuban xarunta ka jiraa kaga dhacaan haddii raashin la’aantu ay sidan usii haysato, Garow odeygeedu kasoo diray deegaan ka tirsan Itoobiya ayay hal wakhti u karisaa caruurta maalinkii.

“kuwii kale waxay cunaan ma haystaan Ilaahay iyo dadka xerada kula nool Ayaan kaga imid tanbaan lasoo cararay intaanay naftu ka bixin”ayay tidhi Caasha.

Dr Khaalid ayaa sheegay in heerka nafaqo darada ee xerada ka jiraa uu sii xumaanayo haddii aan raashin la siinin dadka barakaca ee ku nool Ballimataan.

Barakacayaasha ku nool xerada waxaa haysta xaalado shaqo la’aan oo ka jirta deegaanka taas oo keentay inay ku noolaadaan xeryaha barakaca kadib markii ay ka dhamaadeen xoolihii ay ku noolaayeen abaarta ka hor.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here