Qoysas ka soo barakacay rabshadihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa gaaray deegaanno xuduudda ku yaalla oo ka tirsan Somaliland.
Waxaa u badan dadkan haween iyo carruur, sida warbixintan uu Hargeysa kaga soo diray weriyaha Raadiyo Ergo, Ilyaas Cabdi Cali.









