Qiimaha lagu kala gato raashinka qutul daruuriga ah ayaa kor u kacay bishan August gudaheeda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Qiimo kororkan ayaa loo sababeynaa qiimo dhac ku yimid shilinka Soomaaliga, iyadoo halkii shillin hadda lagu kala bedelanayo 35 kun oo shillin.
Waxaana qiimaha raashinku kor u kacay kala bar in kodhow, iyadoo kiilada bariiska ah bil ka hor ay ahayd 14 kun, maantana la kala siisanayo 22 kun oo shillin, halka burka oo ahaa 13 kun isana gaaray 21 kun, sidoo kale khudaarta, biyaha, rootiga iyo adeegyada kale ee nolosha muhiimka u ah ayaa qiimahoodu kordhay.
Dadka dan yarta ah iyo kuwa kale ee barakacayaasha ah ayaana ay noloshooda saamaysay arintaani.
Nuura Cabdi Cali oo ah hooyada sagaal carruur ah leh, kana mid tahay barakacayaasha ku nool magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Waxaa carruurteeda hadda wax u karisaa hal wakhti oo kamid ah saddexda wakhti ee caadiyan wax la cuno, kaddib markii lacag dhan 30,000 oo shilin Soomaali ah oo ay maalintii ka hesho shaqo nadiifin goobaha ganacsi ay u goyn weysay in ay raashin ugu soo gado qoyskeeda.
“Lacagta yar rashin iyo waxaad ku iidamato kuuma goaynayso, sidoo kale jirikaankii biyaha ee 20ka litir qaaday oo 6 kun ahaa, hadda 10 kun ayaan ala siinaya” Ayey tiri Nuura.
Nuura oo seygeedu uu laf ahaantiisa uu shaqo la’aan yahay waxay sheegeysaa in markii ay wax kasta ku qaaliyoobeen ay ku khasabtay danta in hal wakhti uun ay carruurteeda dabka wax ugu shido.
Waxyaalaha qaaliyoobay rootiga ayaa ka mid ah, iyadoo qaaliga ka sokow markii dadkii gadan kari waayeen ay shaqo la’aan ku dhacday dadkii ka xoogsan jiray.
Maxamed Axmed Cali oo ah aabaha saddex carruur ah, wuxuu 7 sano ka shaqaynayey gaari gacan uu rootiga ku iibiyo, si uu nolosha carruurtiisa ugu soo dhiciyo, hadda waa shaqo la’aan oo guriga ayuu iska joogaa. Wuxuuna timlaamay in nolosha reer kiisu iminka ku tiirsan tahay dayn uu ka qaato dukaan uu horay macmiil ula ahaa.
“Maalintii 400 oo xabbo ayaan iibin jiray, hadda hal xabo ma iibiyo, qiimaha rootigu 1500 ayuu ahaa xabadkii, haddana waa 3 kun oo shillin, dadkiina ma iibsan karaan” Ayuu yiri Maxamed.
Inkastoo Laascaanood wali si caadi ah loo qaato shilin Soomaali haddana doolarka ayaa si xoog leh waxaa magaalada ugu kordhayo isticmaalka lacagta doolarka, gaar ahaan ganacsiyada waa weyn oo daneynaya in ay doolar helaan.