Sawirrada keydka Ergo

(ERGO) – Qoysas ka soo barakacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ku nool xeryaha barakaca ee ku yaalla dhanka bari ee magaalada Hargeysa ayaan helin adeegyada aasaasiga, iyadoo ay sababtu tahay in aysan Somaliland u aqoonsaneyn inay yihiin dad gudaha ku barakacay.

Hogaamiyeyaasha xeryaha ayaa sheegay in 771 qoys ay ku nool yihiin xeryaha Nasa-Hablood A iyo B. Aaggan oo dadka deegaanka ay sidoo kale u yaqaannaan Istanbul waa dhul engagan oo boorka uu ku badan yahay oo ku yaalla duleedka magaalada. Keliya aqallo cooshado ah iyo jiingado ayay dadku ka dhisan karaan goobahan, taas oo ay ugu wacan tahay dadka dhulka leh oo aan oggoleyn inay dhismeyaal waaweyn ka sameystaan.

Qoyska Shariif Cismaan Geelle oo ka soo barakacay Afgooye ayaa ka mid ah qoysaska  ka yimid koonfurta Soomaaliya ee xeryahan deggan. Qoysaskaan wax aqoonsi ah ma haystaan oo ay ku heli karaan adeegyada asaasiga ah ee ay helaan dadka kale ee barakacay.

Shariif ayaa Radio Ergo u sheegay in ay ku adag tahay helista 2,000 oo shilinka Somaliland ah ($0.25) oo ah lacagta uu ku iibsan karo labaatanka liitar ee biyaha ah oo ah waxa ugu yar ee uu maalintii u baahan yahay. Markii ay xaaskiisa dhashay cunnuggoodii ugu dambeeyay wuxuu ku qabsanaaday inuu bixiyo $30, maaddaama uusan fursad u heli karin adeegyada caafimaad ee sida bilaashka ah ay ku helaan dadka kale ee gudaha ku barakacay.

Dowladda hoose ee Hargeysa ayaa kaararka aqoonsiga siisa dadka soo barakacay kaddib marka ay iska diiwaan geliyaan ha’yadda Barakaca iyo Qaxootiga ee Somaliland. Sidoo kale xafiiska UNHCR ee Hargeysa ayaa qaxootiga siiya kaarar aqoonsi ah.

Shariif ayaa xusay inuu jeclaan lahaa inuu dib ugu noqdo degmada Afgooye oo gobolka Shabeellaha hoose ah, halkaas oo sanadkii 2012 uu uga soo barakacay colaad, hase yeeshee ma haysto lacag uu ku guuro ama uu dib ugu billaabo noloshiisii halkaas.

Cabdi Bade Yuusuf oo ah guddoomiyaha xerada barakaca ee Naasa-hablood B ayaa tilmaamay in 26 qoys oo ka tirsan 231 qoys oo deggan xeradaas aanay haysan kaarar aqoonsi ah, sababtuna waa in ay ka yimaadeen koonfurta Soomaaliya.

Sahan ay sanadkii 2016 sameysay wasaaraddii Dib-u-dejinta Somaliland ayay ku sheegtay in 50,000 oo qoys oo ay ku tilmaantay ‘qaxooti’ ka yimid koonfurta Soomaaliya, Yemen iyo Itoobiya ay ku nool yihiin xeryo kala duwan oo Somaliland ku yaalla.

Hay’adda madaxa-bannaan xuquuqda aadanaha ee ka shaqeysa gudaha Somaliland (Human Rights Center) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dadka koonfurta Soomaaliya ka yimid ay u nugul yihiin dhibaatooyinka sida tacaddiyada ku saleysan jinsiga.

Hay’addu waxay sheegtay in gabar dhimirka ka xanuunsan sanadkii hore lagu kufsaday xerada Naasa-hablood B. Kiiskaas lama ogeysiinin laamaha ammaanka, oo ehelada gabadhaas oo ka yimid koonfurta Soomaaliya uma aysan tagin booliska, iyagoo ka cabsaday in dhib intaas ka badan loo geysto.

Guuleed Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha hay’adda ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay muhiim tahay in dadkaas loo aqoonsado barakac ama qaxooti, si ay u helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin. Dadka qaar waxay xeryaha lagu barakacay ee Hargeysa ku biireen siddeed sano ka hor welina ma kala cadda xaaladdooda barakac ama qaxooti.

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here