Sanaag: Biyo yaraan ka jirta deegaanka Geed la-rifay oo dadka qaar ku qasabtay inay u hayaamaan deegaanno kale

0
Sawirrada keydka Ergo

(ERGO)- Tuulada Geed la-rifay oo 40 km u jirta degmada Badhan ee gobollka Sanaag ayaa qiimaha fuustada biyaha lagu iibsanayo wuxuu gaaray 200,000 oo shilinka Soomaaliga ah oo u dhiganta dhiganta $6.6 Dollar.

Kor u kacan ayaa dhacay labadii bilood ee la soo dhaafay, markaas oo ay gureen biyo qabatinno halkaas ku yaalla oo xilligii Guga roobku buuxiyay. Dadka deegaanka ayaa ku sheegay sababta ay biyuhu deg dega ugu gureen abaaro deegaanka ku soo noq-noqday oo keenay in dhulku biyuhu hayn waayo.

Soddon qoys oo xoola-dhaqatada deegaanka ah ayaa isaga hayaamay deegaanka bishan Agoosto, kuwaas oo u guuray oogadda buurta Calmadow gaar ahaan meel u jirta ilaa 20 km  si ay biyo u helaan.

Ruun Maxamed Cumar oo ka mid ah qoysaska ay saamayntu ku yeelatay biyo la’aanta ayaa  Raadiyo Ergo u sheegtay in biyo galeenadii ay xooluhu uga cabi jireen ay gureen, sidaas darteedna ay isku bahaysteen shan qoys oo xoolaley ah kuwaas oo booyad loogu dhaamiyo.

Duruufta jid xumidda ayaase u sii dheer, waxayna sheegtay in markii ay booyaddu biyaha keento ay ugu shubto meel gebi ah oo ay dhigtaan baco biyaha loogu shubo. Maalin gelkeed ayay u sii wadaan xoolaha si ay u soo cabaan, waxayna halkaas biyaha uga soo qaataan dameero ay guriga ku soo gaarsiiyaan, taas oo dhibaato ku ah nolosha qoyskeedda.

Deegaanka oo ku yaalla dhul buurallay ah ayaanay gaadiidku awoodin inay gaaraan halka ay qoysaskan deggan yihiin, si ay biyaha ugu geeyaan, taas oo keentay inay istaagaan meelo hoose oo dadku u soo lugayn karaan.

Ruun oo ah hooyada toban carruur ah waxay ka mid tahay xoola-dhaqatadda deegaanka Geed la- rifay, waxaa miyiga u jooga tiro ari ah. Waxay Ruun sheegtay in iyada iyo qoysaska kale ee ay isla deggan yihiin biyaha ay dayn ku qaataan mararka qaarna ay xoolo ku bedeshaan.

Waxay tilmaamtay in deegaankoodu uusan lahayd waddo fiican oo marka ay gaariga raacaan ay kaga degaan meel ka fog halka ay biyaha ka soo qaataan

Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka waxay u sheegeen Raadiyo Ergo in 500 qoys oo isugu jira dadka tuuladda, dad abaarihii ku cayrtoobay iyo reer miyiba ay deggan yihiin deegaankaas, kuwaas oo wajahaya biyo yaraan iyo qiimaha qaaliga ah oo aysan awoodin in ay dadku iska bixiyaan.

Deegaanka waxaa hadda biyaha geeya hal booyad oo qaadda 40 fuusto, halka markii hore ay saddex booyadood gayn jireen. caqabado ay kamid tahay dadka oo dayntii iska bixin waayay iyo waddada oo adag ay labo booyadood hadda shaqadii joojiyeen, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdullaahi Cabdi Jaamac oo ah guddoomiyaha tuulada.

Cabdullaahi wuxuu sidoo kale Raadiyo Ergo u sheegay in aad loo tashiilo isticmaalka biyaha yimaada, taas oo saamayn ku yeelatay, cunto karinta iyo xataa nadaafadds qoysaska. Dadka deegaanka ayaa markii ay iibsanayaan fuusto biyo ah waxay badankood u baahan yihiin in ay gacan weydiistaan dad kale oo eheladooda ah oo jira magaalooyinka, maaddaama qiimaha fuustada biyaha uu cirka isku shareeray awalna ay bilaash ku heli jireen.

Dadka waxaa dhacda in ay labo wakhti wax cunaan, qubaysiga meesha kaba saar haday qadada helayaan iyo quraacda. Waxaa biyaha loo isticmaalaa laba wakhti oo wax karsi ah, weesada iyo cabitaanka.

Halka booyad ee hadda shaqaysa ayaa deegaanka biyaha uga keenta ceelal qodaal ah iyo biyo xireenka tuulada Midigalle ee gobolka Sanaag, halkaas oo deegaanka Geed la-rifay u jirta qiyaastii ilaa 30 km  balse waddada oo ah qarar halis badan waxaa booyaduhu u kala socdaan 7 saac, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Bile Cawad Ali oo ah wadaha booyadda hadda shaqaysa.

Maxamed Cawil wuxuu ka mid yahay odoyaasha deegaanka wuxuuna shaqo muruq-maal ah u joogaa degmadda Badhan, halkaas oo uu daqliga ka soo gala uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo deggan tuulada Ceel-la-rifay.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in qoyskiisu ay bishii iibsadaan toban fuusto oo ah $65 dollar,waa markii ugu horaysay ee in muddo ah ay xaaladani soo wajahdo tuuladda.

Maxamed ayaa xusay in biyaha uu marna iibsado marna dayn ku qaato. Dadka tuulada ayaa ku tiirsanaa biyo-qabatino, kuwaas oo biyaha hayn jiray wakhti dheer balse hadda ay si deg deg ah biyuhu uga gureen, wixii abaartii ka dambeeyay.

 

 

 

 

 

 

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here