(ERGO) Maryan Maxamed Nuur oo 23 jir ah, waxay ku noolayd xerada qaxootiga ee IFO ee ku taal Dhadhaab Kenya, waxay macalimad ka ahayd iskuulka sare Sahal ee xerada Dhagaxley oo ay ka dhigi jirtay maaddoooyin kala duwan oo ay bilowday 2015 oo ah markii ay iskuulka dhammaysay, waxay sheegtay in wax ugu wayn ee ay ka faa’iday qaxootiga ay tahay inay waxbarato.
Waxay 21 bishaan ka duushay magaalada Nairobi, iyadoo u socota waddanka Kanada oo ay ka diyaarin doonto waxbarashda jaamacadda heerka koowaad.
Waxay fursadan waxbarasho ay ku ogaatay kaddib markii lagu soo dhejiyey waraaqo xayeesiin ah dugsiga ay macallinka ka ahayd. Waxay gashay imitixaan isugu jiray waraysi iyo qoraalka luuqadda kaddibna ay ka mid noqotay dadkii guulaystay.
Maryan iyo qoyskeeda oo 7 qof ah 2008dii ayay ka yimaadeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada-hoose, waxay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ku nooleyd muddo 10 sano ah iyadoo rajeynaysa inay ku noolaato nolol ka duwan middii ay ku haystay xeryaha qaxootiga.
“Waxaan doortay caafimaaka inaan barto, anigaa doortay oo jeclaystay, waxaan rabaa inaan ku taqasuso qeybta haweenka, oo aan rajeynaayo in mustaqbalka wax badan u qabto dadkayga.” Ayey tiri Maryan.
Waxay xustay in markii ay baranaysay dugsiga sare ay ciriiri ahayd inay helaan nal ay wax ku aqristaan, oo ay toosh isticmaali jireen taas oo muujinaysay dhibka ay ka soo martay inay waxbarato si ay u soo gaarto halkay hadda marayso.
“Hooyaday ayaa igu caawisay in aan heerkan soo gaaro, waayo shaqada guriga oo inta badan gabdhaha ka mashquulisa wax akhriska aniga la ima diri jirin oo hooyada ayaa qaban jirtay” ayey tiri Maryan.
Waxay Maryan ka mid tahay 16 dhaliyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo deeq waxbarasho ka helay Kanada, 13 ka mid ahi waxay tageen 21ka Agoosto, todobaad kadibna saddexda kale ayaa soconaya.
Waxbarashadan lacag la’aanta ah oo ay maalgeliso dowladda Kanada ayaa sanadkiiba mar la soo dhejiyaa, si ay uga faa’idaystaan ardayda ka baxay dugsiyada sare ee qaxootiga ku nool.
Jibriil Isaaq Maxamed waa madaxa hay’adda Wild Trust ee xeryaha Dhadhaab, wuxuu sheegay in deeqdan waxbarasho ay soo codsadeen 42 qof, balse ay ku kala hareen imtixaanadkii la qaaday. Wuxuu tilmaamay in waxyaabaha lagu xulanayey ardayda ay ahaayeen in ardaygu yahay qaxooti ku noolaa xeryaha ugu yaraan 3 sano, in uu dhameeyey dugsiga sare, in willashu haystaan natiijada wixii ka sarreeya B+ , gabdhaha laga doonayo B- wixii ka sareeya.
‘’Tobon wiil iyo lix gabdhood baa sanadkan nasiib u helay inay waxbarasho ka helaan waddanka Kanada waa ardaydii helay buundooyinkii ugu fiicnaa, waxay hore ka billaabayaan waxbarashadooda” Ayuu yiri Jibriil.
Waxaa mashruucaan lagu bilaabay xeryaha qaxootiga sanadkii 2004-tii hal arday oo laga qaaday xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyadoo sanad walba la qaado hadba inta ay soo codsato dowladda Kanada.
Dhallinyaradaan ayaa marka ay dhameeyaan waxbarashada jaamacadda ee la siiyay waxay dooran karaan inay waddankaas joogaan ama ay dib ugu soo noqdaan wadankoodii.