(ERGO) – Mowliid Nuur Cumar oo ka mid ah beeraleyda ku nool deegaanka Carro-tuulka oo ka tirsan magaalada Gabiley, wuxuu saddexdii bishaan suuqa Hargeysa keenay dalagyo isugu jira galley, haruur iyo yaanyo, kuwaas uusan u helin wax beec ah.
Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay 200 oo kiilo oo yaanyo ah uu suuqa qudaarta Gobanimo ee Hargeysa keenay ay kaga quruntay markii wax qiime ah uu u waayay.
14-kii bishaan Agoosto wuxuu deegaankiisa kula laabtay 10 kiintaal oo ah galley iyo haruur markii uu iib u waayay. Kiiladii haruurka ama galleyda ah oo suuqyada Hargeysa ka ahaan jirtay 8 kun oo shilin Somaliland ah una dhiganta $1 doolar ayaa hadda la iibinayaa labo kun oo shilin Somaliland ah oo u dhiganta $0.25 senti.
Lacag uu ku sheegay intay tahay kun doolar ayaa ka galay beerta xilligii uu tacbayay.
Beertiisa oo sagaal hektar ah ayay lix hektar oo ka mid ah hadda ugu beeran yihiin galley iyo haruur, wuxuuna go’aansaday inuu bal ahaan u goosto, si uu uga dhigo calafka xoolaha.
Beeraleyda deegaannada galbeedka Somaliland ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay haysato suuq la’aan. Waxay xilligaan goosteen dalagyadii ay beerteen xilli roobaadkii gu’ga ee la soo dhaafay.
Arrintaan ayay u sababeeyeen in dalagyo kuwooda la mid ah oo ka soo go’ay dalka Itoobiya loo iib keenay suuqyada, isla markaana qiime jaban lagu iibsanayo, taas oo keentay in suuq uu yeelan waayo wax soo-saarkooda.
Maxamuud Guuleed Cali, wuxuu beer labo hektar ah ku leeyahay tuulada Agamsaha oo ka tirsan deegaanka Arabsiya 35 km oo galbeed ka xiga magaalada Hargeysa.
Boqol kiilo oo yaanyo ah iyo shan kiintaal oo galley ah oo uu u suuq geeyay Arabsiya ayaan laga siisan qiime fiican. 10-kii kiilo ee yaanyo ah looga iibsaday labo doolar, halka markii hore laga siisan jiray 20 doolar 10-kii kiilo. Wuxuu gurigiisa kula laabtay galleydii oo cid ka iibsata uu waayay.
Raadiyo Ergo ayuu taleefanka ugu sheegay in dalagyada u soo ga’ay uu suuqa keenay labo jeer 29-kii bishii Julaay iyo 11-kii bishaan Agoosto.
Wuxuu xusay in qiime dhaca ku yimid dalagyada ay isagu ku tahay khasaare, maaddaama lacagtii ka gashay markii uu tacbayay aysan uga soo bixin.
Shan boqol oo doolar oo uu soo deysaday ayuu sheegay in lagu leeyahay. Lacagtaas wuxuu ku bixiyay abuurkii iyo falistii beerta, waxaana laga rabay inuu bixiyo bisha Okroobar ee soo socota.
Wuxuu xusay in weli aanay suuq wanaagsan lahayn dalagyadii uu tacbaday isaga iyo beeraleyda kale ee deegaankiisaba.
Maxamuud ayaa ka walaacsan halka uu biil uga helayo qoyskiisa oo 9 ka tirsan ay carruur yihiin.
Beeralayda gudaha Somaliland waxay ka cowdaan dalagyada laga keeno Itoobiya oo ah kuwo la mid ah kuwa ay beertaan iyaga, kuwaas oo isku mar suuqyada dalkaasi looga soo galiyo, iyagoo ku iibiya lacago aad u jaban. Beeraleyda deegaannada Itoobiya ayaa taageero ka helo maamullada deegaannadooda si dalagyadooda ay ugu suuq geeyaan meelo ka baxsan Itoobiya.
Isu-duwaha wasaaradda beeraha Somaliland ee Maroodijeex Cabdirisaaq Muxumed Gaboobe ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in suuqa lagu cariiriyo beeraleyda gudaha. Wuxuu intaas ku daray in qiyaas ay wasaaraddu sameysay ay ku ogaatay in boqolkiiba konto uu is dhimay wax soo-saarka dalagyada gudaha Somaliland ka soo go’ay.
Waxa uu intaas ku daray in arrintaan ay caqabad ku tahay beeraleyda gudaha.
Beeraleyda galbeedka Somaliland oo labadii sano ee u dambeeyay abaaro hayeen ayaa iyaga oo ka faa’ideysanayay roobkii gu’ga tacbaday dalagyo kala duwan si ay uga soo kabtaan abaarihi naafeeyay wax soo-saarkoodi, laakiin markii ay dalagyadoodii suuq geeyeen waxay u waayeen suuq wanaagsan.